Culimada Somalia oo ka digey fidinta madhabta Shiicada

Image

Sept 18,2015 (GO)- Kulan ay ku yeesheen culimada Somali-yeed magaalada Bosaso ayaa markii ugu horaysay ka hadleen kutub shiico ah oo soo galay deegaanada Somalida gaar ahaan Puntland.

Culimada ayaa hadalkoodu ku soo aaday kadib qaylo dhaan ka timid kutub xambaarsan fikriga shiicada ah oo laga soo rarayo dalka dibadiisa.

War qoraal ah oo ay soo saareen culimadu ayaa lagu sheegay inay sameeyeen dabagal ka dib markii ay hubsadeen arrinkaan oo lid ku ah caqiida Islaamka iyo midnimada umada Somali-yeed.

Culimada ayaa Radio Garowe waxaa ay soo gaarsiiyeen bayaankaan ay uga digayaan kutubtaas in la keeno guud ahaan Somali-ya gaar ahaan deegaanada Puntland.

Dowlada Iran oo tageero u fidisa Houthis ka dagaalamaya wadanka Yamen ayaa bilaabowdey saameyn siyaasdeed iyo mid dhaqan iney ku yeelato dalka Somalia kadib markii dhowan safaarad ka fureen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Garowe ku qabailey wafdi ka socda dalka Iran kuwasoo ay hogaaminayaan saraakiil ka socotey safaarada Iran iyo hay'ada la yiraahdo Khumeini Foundation.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM