​Cumar Cabdirashiid, Gaas iyo Guuleed oo khadka Taleefonka kuwada hadlay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Ra'isal wasaaraha dowladda waqtigeedo dhammaaday ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, Madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa khadka Taleefoonka kaga wada hadlay arrinta magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Madaxda wada hadashay, ayaa go'aamiysay in si dhakhso ah loo soo afmeero dagaalka Galkacyo islamarkaana la dhaqan galiyo xabad-joojin waarta iyagoo khadka taleefoonka soo galiyay taliyaasha ciidamada labada maamul Siciid Dheere iyo Qooje, waxayna fareen inay dagaalka joojiyaan.

Arrintan, waxaa warbaahinta u shaaciyay madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Cali Gaas oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari, kadib markii ay wada shireen isaga iyo Wakiilka Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, Michael Keating.

Labadaas mas'uul waxay kawada hadleen dagaalka kasocda magaalada Galkacyo iyo waxyaabo la xiriira doorashooyinka Somalia ee la filayo inay dhacdo dabayaaqada sannadkan.

" Wakiilka xogyaha guud ee QM waxaan aad uga wada hadalnay arrimaha la xariira doorashada Soomaaliya iyo sidii loo dhamays tiri lahaa wuuna ku bogaadiyay Puntland inay bilowday doorashadii xildhibaanada aqalka hoose, sidoo kalena in la muujiyo qoondada dumarka ee xubnaha aqalka hoose waana ku raja weynahay in xuquuqda ay dumarku leeyihiin la ilaaliyo, " Ayuu yiiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Gaas, ayaa intaas ku daray in Wakiilka isla soo qaateen adkaynta xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac iyo sidii loo soo afjari lahaa colaadda gobolka Mudug.

"Waxaan aad isula soo qaadnay dhibaatada kasoo cusboonaatay magaalda Gaalkacayo, waa arrin xanuun badan, waa arin cid kasta ay tahay inay ka damqato, loona baahan yahay in xal waara loo helo Gaalkacayo iyo mudug, waxaanu intaan wada joognay khadka telfoonka ku xariirnay Ra'iisal Wasaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaanuna isla qaadanay in la sameeyo xabad joojin kabacdina madaxdu ay isugu yimaadaan maalinta jimcaha magaalada Gaalkacayo," Ayuu hadalkiisa ku daray mudane Gaas.

Madaxweynaha ayaa intaa raciyay " Waxaa khadka soo galay taliyaasha ciidamada iyagana amar ayaan ku siinay in xabad joojin la sameeyo , waxaan rajaynayaa in xabad joojintaasi ay hir gasho , waxaana rajaynayaa Gaalkacayo dhibaatadeedu inay dhamaato iyo in dadka Gaalkacayo ay nabad ku noolaadaan".

Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating ayaa dhankiisa sheegay sida uu ula dhacsan yahay qoondadii doorashada haweenka aqalka sare ee Dawladda Puntland ay buuxisay intii laga rabay, isla mar ahaantaana ugu hambalyeeyey Dawladda Puntland inay hormuud u noqotay doorashooyinka aqalka hoose ee Barlamanka Somalia iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee Puntland ka socda.

Dhinaca kale wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobey ayaa ku nuux nuuxsaday ahmiyadda ay leedahay nabaddu iyo sida loogu baahan yahay in magaalada Gaalkacayo oo deris la noqotay dagaalo soo laalaabtay lagu soo dabalo nabad, isla markaana wuxuu xusay in si wada jir ah ay isula qaateen xabad joojin tan iyo inta laga gaarayo maalinta jimcaha oo la isugu iman doono magaalada Gaalkacayo si looga wada hadlo xallinta khifaadka soo noq noqday.

" Waxaan khadka telfoonka ku wada hadalnay Madaxweynaha Dawladda Puntland, Ra'iisal Wasaaraha Soomaliya, Madaxweynaha Mamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Puntland iyo Maamulka Galmudug waxaana la isla qaatay in la dhaqan geliyo xabad joojin ka bilaabanta maanta," Ayuu yiri Wakiilka Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa warbaahinta u sheegay inay wada hadleen dhiggiisa Puntland, isagoo intaas ku daray inay ka go'antahay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, wuxuuna dhacdooyinkii ugu dambeeyay ku tilmaamay ku macneeyay tallaabooyin ay aad uga xunyihiin.

Arrinta, ayaa timid kadib markii dad kor u dhaafaya 20 ruux ku dhinteen dagaal ka dhacay Galkacyo uu dhaxeeyay ciidamo katirsan Puntland iyo Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM