​Cumar Cabdirashiid oo ka maqnaa Kulan murashaxiinta Aqalka Sare khudbado ku jeedinayeen

Image

GAROWE, Puntland- Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, oo kamid ah murashaxiinta Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia ee matalaya Puntland, ayaa maanta ka maqnaa kulan xubnahaasi ku jeedinayeen khudbado ku aadan waxqabadkooda iyo taariikh nololeedkooda.

Ra'isal wasaaraha xilku ka dhammaaday Cumar Cabdirashiid, ayaa safar aan horay loo sii shaacin ku aaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo aan la ogayn sababta uu ugu maqanyahay.

Maalinta barri ah, ayaa la filayaa inuu yimaado magaalada Garowe, islamarkaana uu jeediyo khudbadiisa xilli murashaxiintan cod u qaadi doonaan Barlamanka Puntland.

Mudane CCC, ayaa xilkaas waxaa kula tartamaysa murashax lagu magacaabo Aamina Aadan Cabdullaahi, taasoo maanta khudbadeeda ka jeedisay golaha shacabka Puntland.

Jeedinta khudbahan ee murashaxiinta ayaa ah, qorshe ay jidaysay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxaana lagu sifeeyay inay tahay tallaabo meesha looga saaro inuu qofku isa siiyo kalsooni ee uu galo loollan si uula mid noqdo xubnaha kale ee tartanka kula jira.

Cumar Cabdirashiid, ayaa 15-kii bishan soo gaaray magaalada Garowe, isagoo ujeedkiisu ahaa arrimo la xiriira doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo colaadda ka dhex taagan maamullada Puntland iyo Galmudug, balse waxaa hal mar laga war-helay isagoo safar qarsoodi ah ku tagay dalka Kenya.

Sharmake, ayaa ah dhinaca kale murashax u taagan madaxweynaha dowladda Somalia doorashada dhici doonta bila soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM