Daacish iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Qandala

Image

BOOSAASO, Puntland - Dagaal culus oo u dhaxeeya kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ka dhacay gobolka Bari, kaasoo ka dhashay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

War qoraal ah oo ay baahisay Wakaaladda wararka Daacish ee "Amaq News Agency" ayaa lagu sheegay in 14 xubnood oo katirsana Al-Shabaab lagu dilay Dagaalka oo Sabtidii ka dhacay deegaanka Bir Miirali oo u dhow magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari.

Daacish waxay sheegtay in malleeshiyaadkeeda ay weerar ku qaadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ay sheegtay inay isku aruursanayeen nawaaxiga Bir Miirali, oo ku yaalla Koonfurta Qandala, kuwaasoo qorsheynayay inay fariisin Daacish weeraraan.

Kooxdan xiriirka la leh Daacish-ta fadhigeedu yahay Iraq iyo Syria ayaa ayaa sidoo kale sheegtay in hub iyo agab militeri ay uga qabsatay Al Shabaab dagaalka Bir Miirali, marka laga yimaado geeridda 14-ka xubnood.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli labada Kooxood [Daacish iyo Al-Shabaab] uu u dhaxeeyo loolan xooggan oo salka ku haya canshuurta baadda ah ee ay kusoo rogeen ganacsatada magaalooyin dalka ku yaalla oo Boosaaso iyo Muqdisho kamid yihiin.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ugaarsi ku wadey xubnaha Daacish tan iyo markii C/qaadir Muumin, oo iyada kasoo goostay uu gobolka Bari uga dhawaaqey isagoo wata 100 dagaalyahan inay ku biireen Daacish, islamarkaana daacad u yihiin Abu Bakar Al-Baqdadi.

Labada dhinac ayaa sidan oo kale ugu dagaalamey December, 2015 nawaaxiga tuuladda Timirshe, oo Puntland katirsan kadib markii Al-Shabaab ay weerartay fariisin Daacish.

Puntland ayaa shantii sano ee uu Cabdiweli Gaas xukumayay kusoo xoogeystay Kooxaha argagaxisada Daacish iyo Al-Shabaab oo khal-khal gelinaya amniga, sidoo kale lacago baad ah ka qaada Ganacsatada Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM