Dagaal ka bilowdey xarunta gobolka Mudug

Image

GALKACAYO, Puntland- Magaalada Galkacayo ayaa saaka waxaa ka bilowdey dagaal la iswaydaarsanayo qoryaha culus kaasoo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Wararka laga helayo saraakiisha ayaa sheegaya in dagaalkaan laga bilaabay dhinaca maamulka Galmudug kuwaasoo la sheegayay in maalmahaan diyaargarow ka sockeye. 

Dowlada Puntland ayaa beenisay inuu jiro hehsiis balse qirtey inuu jiro xiriir wasiirada labada maamul dhexmarey.

Madaxweynaha Puntland oo iminka ku sugan dalka Ethiopia kadib markii uu ka soo noqdey safar uu ku tagey dalka Imaraadka Carabta ayaa weli xafiiskiisu ka hadlin inuu jiro wadahadal dhexmarey madaxweynaha maamulka Galmudug.

Wasaarada arimaha dibada dalka Ethiopia ayaa dhowaan shaaciyey inuu jiro heshiis 5 qodob ka kooban dhexmarey Puntland iyo Galmudug.

Warsidaha Garowe Online ayaa ahaa Warsidaha ugu horeeyey oo shaaciyey jirtaanka heshiiskaan dhexmarey madaxweyneyaasha labada maamul.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM