Dagaal ka qarxay Boosaaso iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BOOSAASO, Puntland - Dagaal ayaa saakay ka qarxay magaaladda Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari kadib markii ay guuldareysteen wadahadalladi la doonayay in lagu dhameeyo khilaafka ka taagan hogaanka PSF.

Dadka degaanka oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in rasaasta xoogeeda ay ka socoto Xaafadda Ridwaan, oo dadka laga barakacayo, waxaana laga cabsi qabaa in magaaladda oo dhan ku fido dagaalka.

Xarunta PSF oo uu ku sugan yahay taliskii xilka laga qaadey, ayaa lagu soo waramayaa in laga soo ridayo hubka culus iyo madaafiic, taasoo geysataya khasaarooyin, inkastoo aan tirada wali la cayimin.

Dagaalka Boosaaso ayaa yimid markii la isku af-fahmi waayay wadaxaajoodkii socday, ee la doonayay in si nabad ah lagu xaliyo arinta PSF, oo odayaal iyo dad kale ay dhex-dhexaadinayeen.

Xaaladda Bosoaaso ayaa ahayd mid kacsan, waxaana dagaalka Boosaaso uu u dhaxeeyaa Ciidamada dowladda Puntland iyo kuwa taabacsan Maxamuud Cismaan Diyaano, oo 24-kii bishii hore Deni uu xilka ka qaadey.

Nawaaxiga dekadda Boosaaso ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa inuu dagaalka gaarey. Madaxweyne Deni ayaa ka maqan Puntland xili uu colaad ka billaabatay xarunta Ganacsiga maamulkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM