Dagaal ka socda degaano ka tirsan gobolka Mudug

Image

GALKACAYO, Puntland-  Wararka ka imanaya deegaanka Docolo oomane oo Koonfur bari kaga aadan magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in halkaas maanta ku dagaalameen xoolo dhaqato reer puntland ah iyo malayshoyo galmudug ka tirsan.

Sida ay xaqiijiyeen dadka Xoolo dhaqatada ah  ayaa sheegey in dagaalkaan  bilowday kadib markii malayshiyo Galmudug ah oo ku hubaysan 5 gaari oo kuwa dagaalka duulaan ku soo qaadeen. 

Khasaaraha dagaalka ayaa gelinkii hore ee maanta lagu sheegey 5 qof oo ka dhimatey kooxaha ka yimid Koonfurta Mudug  iyo 1 qof oo dhanka xoola dhaqatada ah. 

Waxaa jira dhaawac labada dhinac soo kala gaaray inkastoo tiro sax ah laga hayn. 

Dagaalka ayaa markale dib uga bilowday galabta waxaana la sheegey inay jiraan gurmadyo labada dhinac oo gaarey halka dagaalkaan ka socdo. 

Iska_hor imaankara ayaa bilowdey kadib markii Madaxweyne Gaas maanta ka dhoofey magaalada Galkacayo isagoo ku sii jeeda magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha oo muddo 17 cisho ah safar ugu maqnaa wadanka dibadiisa ayaa magaalada Galkacayo joogey maalin kaliya.

Wararka ugu dambeeyaan dagaalkaan kala soco Garoweonline 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM