Dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ISIL oo ka qarxay bariga Puntland

Image
Isgaarsiinta degaanka ayaa la xayiray. Isu-socodka aggaas ayaa sidoo kale la joojiyey.

BOOSAASO, Puntland - Dagaal u dhaxeeya maleyshiyaad ka kala tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ayaa kasoo cusboonaadey bariga Puntland, sidda uu warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uul ammaan.

Illo wareedyo ayaa caddeeyay in iska-hor-imaadka uu dagaalameyaasha ka kala tirsan labadda kooxood xagjirka ah uu ka dhacay degmadda Balidhidin ee gobolka Bari.

Illaa haatan si dhab ah looma ogga waxa sababay dagaalka. Mas'uuliyiinta ammaanka dowladda Puntland ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin colaadda ka dhex-qarxdey labada daraf.

"Isgaarsiinta degaanka ayaa la xayiray. Isu-socodka aggaas ayaa sidoo kale la joojiyey. Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee soo kala gaarey wali lama xaqiijin karo," ayuu raaciyey sarkaal dhinaca sirdoonka ah.

Sarkaalkan oo codsadey in aan magaciisa lasoo xigan sababo ku aadan in aan loo ogolayn in uu la hadlo warfidiyeenka ayaa rumeysan in ay u badan tahay in dagaalkan salka ku hayo "colaadii soo jireenka ahayd".

Xoogaga argagixisadda ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa horey buuraha Cal-miskaad isla gobolkaas waxay ku dagaalameen dhamaadka sanadkii 2018-kii iyo bilowga xagaagii 2019-kii.

Tan iyo xilligaas, waxaa dhexmartey tacshiirad kooban. Mukhaabaraadka Soomaaliya iyo reer galbeedka ayaa rumeysan in dagaaladaas ay labada kooxood ku waayeen dagaalameyaal iyo horjoogeyaal unugyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM