Dagaal xoog leh oo kasocda magaalada Galkacyo
GALKACYO, Puntland- Dagaal xoog leh oo la isu adeegsanayo qoryaha waaweyn ayaa kasocda magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, wuxuuna u dhaxeeyaa ciidamada labada maamul ee halkaasi ka taliya.
Isku dhaca labada ciidan, ayaa bilowday saaka xilli hore, waxaana wararka aan ka helayno jiidda hore ee dagaalku sheegayaan inuu jiro khasaaro labada dhinacyada dagaallamaya.
Sarkaal katirsan ciidamada Puntland oo magaciisa qariyay kaasoo ku sugan halka dagaalku kasocdo, ayaa Garowe Online, u caddeeyay in madaafiic xoog leh la is-weydaarsanayo islamarkaana jiraan dhimasho iyo dhaawac.
Wuxuu xusay in dhinacoodu jiro dhaawac hal askari, halka ciidamada Galmudug, uu sheegay inay arkeen maydka dhowr askari.
Dagaalka ayaa iminka kasocda qaybta Koonfureed ee magaalada Galkacyo ee ay ka arrimiso Galmudug.
Dhor madfac, ayaa kusoo dhacay gudaha magaalada, kuwaasoo waxyeello kasoo gaartay guryo ay daganaayeen dad shacab ah.
Xiriiro aan la samaynay goobaha caafimaadka, waxay noo sheegeen inaan wali lasoo gaarsiin wax dhimasho iyo dhaawac ah.
Dhinka kale halka lagu magacaabo Tuulo Xaaraan oo dhinaca Koofurta ka xigta magaalada Galkacyo, waxaa isku hor fadhiya ciidamo katirsan kuwa kumaandoosta Puntland iyo kuwo la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca magaalada Cadaado.
Ciidamada cadaado kayimid ayaa saraakiisha ammaanka Puntland noo sheegeen inay katirsanyihiin ciidamada dowladda Federaalka Somalia, kuwaasoo shalay degmada lagu keenay inay katirsanyihiin AMISOM oo ay ka qayb qaadanayaan sugitaanka ammaanka goobaha doorashooyinka.
Xiriiro aan arrintaasi kala samaynay maamulka Galmudug iyo saraakiisha ku sugan jiidda hore, waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrimaha taagan, balse waxay noo cadeeyeen inuu socdo dagaalku islamarkaana jiraan khasaaro labada dhinac kala gaaray.
Dagaalkan ayaa saddexdii todobaad ee ugu dambeeyay ka taagnaa magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, waxaana ku barakacay in kabadan 50 kun oo qoys kuwaasoo ku dhibaataysan daafaha magaalada Galkacyo iyo deegaanada hoos yimaada.
Majirto wax waan waan ah oo ay wadaan mas'uuliyiinta dowladda waqtigeedu dhammaaday, maamul goboleedyada iyo dhinacyada dagaallamaya intaba.
Wixii warkaasi kasoo kordha kala socda Garowe Online
GAROWEONLINE