Boosaaso: Xabad-joojinta oo jabtey xilli dagaal 3 maalin jirsadey

Image
Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii xalay uu illaa haatan ahaa midkii ugu cuslaa.

BOOSAASO, Puntland - Dagaalka magaalada Boosaaso ayaa galay maalintii saddexaad xilli xalay uu dib uga bilowdey xarunta gobolka Bari isku-dhac kale iyadda oo shalay ay dhaqan-gashay xabad-joojin.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkii xalay uu ahaa midkii ugu cuslaa tan iyo markii iska-hor-imaada uu qarxay la iskuna adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan sidda kuwa darandooriga u dhaca.

Illo ku dhow labada dhinac ayaa xaqiijiyey in uu jiro khasaaro hase ahaatee aanan wali tirokoob rasmi ah lagu sameynin waxyeeladda oo laga yaabo in ay u badato mid soo gaartey dad shacab ah iyo askar.

Muuqaalo iyo sawirro lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujiyey in qaar kamid ah hubka culus ee dhinacyadda isku adeegsadeen uu ku habsadey guri shacab ah. Ma cadda khasaaraha halkaas ka dhashay.

Si lamid ah, sawirro ayaa muujiyey dadweynaha xilli habeen saq-dhexe ah ka qaxaya magaaladda ayaga oo u dhaqaaqay aagag ay is-leeyihiin waxaad kaga badbaadeysaa xabadda dhacaysa.

Isku-dhacan oo labada dhinac midba kan kale uu ku eedeynayo in uu rasaasta bilaabay ayaa jebinaya xabad-joojin iyo baaq ay shalay jeediyeen odayaasha dhaqanka iyo qaar kamid ah hogaankii hore.

Dambiile dagaal ayay sheegeen in ay u aqoonsan doonan cid kasta oo dib dambe xabad uga rida magaaladda ayaga oo labada dhinac ku tartarsiiyey in ay u turaan shacabka iyo badbaada magaalo ganacsiyeedkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM