Daladda Mucaaridka: “Madaxweyne Deni ayaa mas'uul ka ah isku dhacyada ka dillaacay Garoowe"

Image

GAROWE, Soomaaliya - Daladda mucaaridka ayaa soo saartay bayaan ay ugu jawaabayso Guddiga Amniga gobolka Nugaal iyo Taliska Booliska Puntland oo mucaaridka ku eedeeyay inay sababeen iska hor imaad ka dhacay magaalada Garowe kana dhashay dhimashada hal qof.

Daladda ayaa gabi ahaanba ku gacan sayrtay eedahaas waxayna mas’uuliyadda isku dhacaas dusha ka saartay madaxweyne Deni, oo doonaya in uu sumcadda mucaaradka ku xumeeyo, Sida lagu sheegay bayaanka.

Daladda mucaaridku oo cambarisay dhacdadaas ayaa waxay ku eedaysay madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Siciid Cabdullaahi Deni inuu mas’uul ka yahay xiisada ka jirta Puntland iyo hurinta colaad lagu kala qeybinayo bulshada.

“Waxaa marag ma doonta in dhacdadii barxadda Garoowe ay ahayd qorshe abaabulan oo la isaga horkeenayay dad walaalo ah, laguna fool xumeynayay sumcadda caasimadda Puntland, Garoowe”

Daladda mucaaridka ayaa sidoo kale ugu baaqday laamaha amniga in ay diiradda saaraan doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda bulshada oo aysan ku mashquulin siyaasadda, sida waafaqsan dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM