Daladda Mucaaridka: “Madaxweyne Deni ayaa mas'uul ka ah isku dhacyada ka dillaacay Garoowe"

Image

GAROWE, Soomaaliya - Daladda mucaaridka ayaa soo saartay bayaan ay ugu jawaabayso Guddiga Amniga gobolka Nugaal iyo Taliska Booliska Puntland oo mucaaridka ku eedeeyay inay sababeen iska hor imaad ka dhacay magaalada Garowe kana dhashay dhimashada hal qof.

Daladda ayaa gabi ahaanba ku gacan sayrtay eedahaas waxayna mas’uuliyadda isku dhacaas dusha ka saartay madaxweyne Deni, oo doonaya in uu sumcadda mucaaradka ku xumeeyo, Sida lagu sheegay bayaanka.

Daladda mucaaridku oo cambarisay dhacdadaas ayaa waxay ku eedaysay madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Siciid Cabdullaahi Deni inuu mas’uul ka yahay xiisada ka jirta Puntland iyo hurinta colaad lagu kala qeybinayo bulshada.

“Waxaa marag ma doonta in dhacdadii barxadda Garoowe ay ahayd qorshe abaabulan oo la isaga horkeenayay dad walaalo ah, laguna fool xumeynayay sumcadda caasimadda Puntland, Garoowe”

Daladda mucaaridka ayaa sidoo kale ugu baaqday laamaha amniga in ay diiradda saaraan doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda bulshada oo aysan ku mashquulin siyaasadda, sida waafaqsan dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM