Danaha isku-hartinaya doorashada halka dhinac ee Deni waddo

Image
Beesha Caalamka ayaa horey waxay ugu baaqdey in la helo geedi-socod loo dhan yahay.

GAROWE, Puntland - Magaalada Garowe ee caasimada Puntland oo dhawaan lagu wado in ay ka qabsoonto doorashada golayaasha deegaanka Puntland ee lagu muran-san yahay ayaa waxaa ka socdo olole dadka qaybtood ay ku tilmaameen "isku-raran".

Inta badan jaamacadaha Garowe ayaa noqday kuwo u xuub siibtay ururo siyaasadeed iyada oo badankood ay maamulkoodu noqdeen murashaxiin ku jira ama ku daaban ururo siyaasadeed.

Jaamacadda Bariga Afrika ee Garowe ayaa gudoomiye xigeenkeeda, Cabdiraxmaan Macalin Ibraahim "Bindiiriye" uu u tartamayaa duqa Garowe iyada oo uu ka sharaxan yahay urur siyaasadeedka SINCAD.

Jaamacadda Admas ayaa dhankeeda waxay xooga saartay Ururka IFIYE. Jaamacadaan waxaa horey gudoomiye uga ahaa qeybta Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed.

Axmed haatan waa wasiirka Cadaalada Puntland. Gadaashiisa waxaa Jaamacadda Admas gudoomiye ka noqdey, Siciid Cabdi Cali oo kamid ah masuuliyiinta ugu sareeya ururka IFIYE.

Sidoo kale, urur siyaasadeedka IFIYE ayaa la rumeysan yahay in uu yahay garabka siyaasadda ee Hay’adda KAALO oo iyadu masuuliyiinteedu ay badankood xubno ka yihiin ururka IFIYE.

Hadaba siddee ayay isku qaadaneysaa in ay dhinacna bulshada rayidka ka ahaadaan dhanna siyaasi ka noqdaan? Waa mid kamid ah su'aallaha ay dadweynaha qaarkood is-waydiinayaan.

Jaamacadda PSU ayaa iyadu gudoomiye xigeenkeeda dhanka waxbarashada, Axmed Shire Axmed, uu u tartamayaa duqa magaala madaxda Garowe isaga oo ka sharaxan urur siyaasadeedka Mustaqbal.

Axmed Shire ayaa ka tartamaya urur siyaasadeedka Mustaqbal. Afar kamid ah Ururada Siyaasadda ayaa qaadacay doorashadaan oo ay ku tilmaameen mid "mid muddo kororsi iyo dano guracan uu ka leeyahay madaxweyne Deni".

Danaha is-hardinaya ee soo baxay iyo kooxahaan is-xambaarsan ayaa dadwaynaha Puntland is-waydiinayaan halka ay geynayaan caasimadda hadii ay hogaankeeda hantaan. Beesha Caalamka ayaa horey waxay ugu baaqdey in la helo geedi-socod loo dhan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM