Dani oo ku fashilmey qancinta shacab diidey in guryahooda la dumiyo

Image
Duminta guryahaan ayaa wadada u xaari lahaa in DP World ay dib-u-bilowdo dhismaha dekada magaalada Boosaaso.

BOOSAASO, Puntland - Magaalada Boosaso ayaa waxa weli ka taagan xaalad cakiran kadib markii qabaa'ilo daga halkaas diideen in guriyaha ay dagan yihiin laga dumiyo.

Madaxweynaha Puntland ee muddo xileedkiisu 10-ka bilood ka dhiman tahay ayaa muddo labo asbuuc ka hor sarakiishiisa amniga ku amrey in la dumiyo guryaha shacab dagan dekada agteeda.

Duminta guryahaan ayaa wadada u xaari lahaa, sida la sheegey, in shirkada laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee DP World dib-u-bilowdo dhismaha dekada magaaladda.

Talaabadaan oo abuurtey in ciidamada Booliiska degmada iyo dadweynihii daganaa xaafadaas isku dhacaan taas oo sababtey in taliyihii qaybta iyo dad shacab ah ku dhaawacmaan.

Dhacdadaan kadib ayaa dhamaan xaafadii ku dhoweyd marsadda waxaa soo buux-dhaafiyey maleeshiyaad hubeysan taas oo sababtey in Sacid Dani ciidamada amniga ku amro iney dib uga gurtaan agagaarka xaafadaas.

Sida warsidaha Garowe Online ogaadey, waxaa guuldareystey isku dayo madaxweynaha Puntland kula kulmay odayaasha shacabka dagan xaafadaas.

Dani oo ka dagan xarunta ganacsiga xerada ciidamada PMPF ee Boosaaso ayaa wararku sheegayaan in arrin uusan fileyn ku noqotey diidmadaan taas oo sababtey in magaalada soo buux dhaafiyaan maleeshiyo beleedyo hubeysan.

Dani oo muddo ku sugnaa magaalada ayaa dhinaca kale, sidda xogta sheegeyso, sugaya inta diwaan galinta lagu muran sanyahay laga hirgalinayo gobolada Nugaal iyo Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM