Dani oo ku fashilmey qancinta shacab diidey in guryahooda la dumiyo

Image
Duminta guryahaan ayaa wadada u xaari lahaa in DP World ay dib-u-bilowdo dhismaha dekada magaalada Boosaaso.

BOOSAASO, Puntland - Magaalada Boosaso ayaa waxa weli ka taagan xaalad cakiran kadib markii qabaa'ilo daga halkaas diideen in guriyaha ay dagan yihiin laga dumiyo.

Madaxweynaha Puntland ee muddo xileedkiisu 10-ka bilood ka dhiman tahay ayaa muddo labo asbuuc ka hor sarakiishiisa amniga ku amrey in la dumiyo guryaha shacab dagan dekada agteeda.

Duminta guryahaan ayaa wadada u xaari lahaa, sida la sheegey, in shirkada laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee DP World dib-u-bilowdo dhismaha dekada magaaladda.

Talaabadaan oo abuurtey in ciidamada Booliiska degmada iyo dadweynihii daganaa xaafadaas isku dhacaan taas oo sababtey in taliyihii qaybta iyo dad shacab ah ku dhaawacmaan.

Dhacdadaan kadib ayaa dhamaan xaafadii ku dhoweyd marsadda waxaa soo buux-dhaafiyey maleeshiyaad hubeysan taas oo sababtey in Sacid Dani ciidamada amniga ku amro iney dib uga gurtaan agagaarka xaafadaas.

Sida warsidaha Garowe Online ogaadey, waxaa guuldareystey isku dayo madaxweynaha Puntland kula kulmay odayaasha shacabka dagan xaafadaas.

Dani oo ka dagan xarunta ganacsiga xerada ciidamada PMPF ee Boosaaso ayaa wararku sheegayaan in arrin uusan fileyn ku noqotey diidmadaan taas oo sababtey in magaalada soo buux dhaafiyaan maleeshiyo beleedyo hubeysan.

Dani oo muddo ku sugnaa magaalada ayaa dhinaca kale, sidda xogta sheegeyso, sugaya inta diwaan galinta lagu muran sanyahay laga hirgalinayo gobolada Nugaal iyo Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM