Dani oo suuqa kalluunka Boosaaso ku wareejiyey nin ay qaraabo yihiin

Image
Kalluumeysatadda magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta banaanbax ka dhigay xarunta ganacsiga Puntland.

BOOSAASO, Puntland - Kalluumeysatadda magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa Isniinta maanta ah isugu soo baxay mudaharaad. Sawirro iyo muuqaalo laga duubay ayaa muujiyey iyaga oo wata kalluunkooda.

Muruq-maalatadan ayaa shaaca ka dhigay in ay ka cabanayaan suuqii kalluunka laga xirtey, iyaga oo dowladda Puntland ku eedeeyey in ay damacsan tahay in ay ka rarto kuna wareejiso ganacsade gaar ah.

"Kawaankan kalluunka waxa la dhisey xilligii dowladdii madaxwayne Cabdiwali Maxamed Gaas, waxaase muddooyinkan isa soo tarayey in ganacsade gaar ah lagu wareejinayo," ayay sheegeen illo wareedyo war gal ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kawaankan lagu wareejiyay ganacsade Cabdi Cali Geyre oo ay qaraabo dhow yihiin madaxweyne Deni, waxaana dhawaan lagu bilaabi doonaa dumin si halkaas looga fuliyo ganacsi gaar ah.

"Ganacsade Cabdi Cali Geyre ayaa ganacsatadii kaluunka u dhisay balbalo 7 mitir ah oo laga dhisay dhul u dhow wasaaradda maaliyadda waana halka ay ka baxaan biyaha kasoo dhaca laamiga weyn ee Boosaso xili roobaadka taaso ay durba ka biya diideen ganacsatada kaluunka goobtaas oo aan ku haboonayn suuq kaluu," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Iskaashatada kalluunka Boosaaso ayaa tibaaxay in aysan marnaba ka guureen dhulkaas iyagoo ku doodey in maamulka degmada Boosaso ay qayb ka yihiin qorshahaan lagu boobayo dhulka dowladda.

Gudoomiyaha gobolka Bari iyo duqa Boosaso oo fulinaya amar kasoo baxay madaxtooyadda ayaa cadaadis ku haya ganacsatada kuna qasbaya in ay balbalada laga dhisay xeebta u guuraan taas oo haatan gabi ahaanba ay diideen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM