Dardargelinta Dimuqraadiyadda Puntland oo kulan laga yeeshay

Image
Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyay shirkan ka dhacay Madaxtooyada Garowe.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC). 

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta Dimuqraadiyadda iyo qabashada Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Degmooyinka harsan, waxaa Kulanka ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdi Faarax Juxa iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Dhanka kale, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, Charles Mballa iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta  wadashaqeynta Dowladda Puntland iyo Hay’adda UNHCR iyo sidii xal waara looga gaari lahaa Qaxootiga , Barakacayaasha iyo magangalya doonka.

Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM