Dedaalada xalinta xiisada isbedelka PSF oo meel fiican maraya

Image
Ciidanka PSF ayaa waxaa taageero ka heli jireen Mareykanka, iyagoo loo tababaray la dagaalanka argagaxisada.

BOOSAASO, Puntland - Waxaa kulan ku dhexmarey hoyga magaalada Bosaso ka dagan yahay Asad Diano, Madaxweynayaashii hore ee Puntland Farole, Gaas iyo Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Kulankaas ayaa, sida ay xogta caddeyneyso, waxaa uu diirada saararyey sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafkii ka dhashey isbadalkii lagu sameeyey hogaanka hay’ada PSF.

Illo wareedyo aad loogu kalsoonaan karo ayaa warsidaha Garowe Online waxay u sheegeen  in wadahadalka lagu xalinayo khilaafkaan meel wanaagsan marayaan.

Xiisadda ka dhalatay isbedelka dhanka hogaanka, ayaa saameyn ku yeelatay Ciidanka, waxaana hadda Boosaaso ka soconaya dadaallo dhinacyo badan ku lug leeyihiin oo lagu dhameynayo is-mariwaaga sababay gacan-ka-hadalka.

Ciidanka PSF ayaa waxaa taageero ka heli jireen dowladda Mareykanka, iyagoo loo tababaray la dagaalanka argagaxisada, oo wax badan ka qabteen sanadihii howlgalka socday.

Dowladda Mareykanka ayaa sanad kahor joojisay taageeradda ay siiso hay'adda Puntland Security Forces, sida uu Talaadada maanta ah faafiyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.

Galka Baarista oo uu daadihiyo wariye Haaruun Macruuf ayaa soo xigtay sarkaal ka gaabsadey magaciisa sababo la xiriira in aan loo ogoleyn in uu ka hadlo arrimaha xasaasiga ah.

Sida ku xusan warbixinta, xukuumadda Washington ayaa u hakisay taageeradda PSF kadib markii hogaanka hay'addu diideen in ay kamid noqdaan cutubka Danab ee kamid ah kumaandooska Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM