Deeqaha Waxbarashada oo dowlada Federaalka kaligeed qaadato

Image

Qoraal saxaafada madaxa banaan heshay ayaa tibaaxaya qaabka deeqaha waxbarashada shacabka Somalida la siiyo u maamusho dowladda Federaalka iyadoo ku koobtey dadka khaas ah kuwaasoo qaarkood laga qaatey lacago laaluush ah kuwana lagu siiyo nidaam qabiileysan oo hayb-soocid ah.

Deqahaan ayaa sida shaxda hoos ku qoran ka muuqata ineysan gaarin gobolada kale ee Somalia, maamulka Puntland iyo Jubaland.

Deeqahaan waxbarsho oo la siiyey ardey gaareysa 300 ayaan haba yaraatee habayaraatee soo marin hab qaybsi ku saleysan nidaamka Dastuurka Somalia qeexayo iyadoo wararku sheegayaan arinkaan ku lug leeyahay musuq-maasuq baahsan oo gaarsiisan saraakiisha ka shaqeysa wasaaradaha Waxbarshada iyo Tacliinta sare lug weyn ku leeyihiin.

Soo shaac-bixida qoraalkaan ayaa ku soo beegamaya xilli dowlada Puntland maanta 20 August,2014 warmurtiyeed ku dalbeyneyso wadahadal dhexmara dowladda Federaalka kaasoo goob joog yihiin beesha caalamka.

GAROWEONLINE

Halkan ka riix qoraalkaan   -

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM