Deni: Dadka Puntland waa in ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay kadib kulan uu la qaatay Golaha deegaanka degmada Eyl.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan la qaatay Golaha deegaanka degmada Eyl ayaa tilmaamay rajada dadka deegaanku ay ku qabaan Golahan ay ku soo doorteen codkooda.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Deegaanka, waxgaradka iyo bulshada Degmada Eyl bisaylka dimuqraadiyadeed iyo midnimada ay muujiyeen, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in dhammaan dadka reer Puntland ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashada hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Golaha deegaanka cusub ee degmada Eyl iyo guddoonka cusub ee ay doorteen wuxuuna ku baraarujiyay in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadgelyada iyo qorsheeyaasha Dowladda ee ku aadan horumarinta degmada dhinackasta. 

Dhankooda, Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Eyl iyo guddoonkooda ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha, hirgelinta Doorashada hal qof iyo hal cod ee Puntland, dhismaha wadooyinka iyo mashaariicda dalka ka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM