Deni: Hay'adaha amniga iyagaa qeybiya mukhaadaraadka

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa markii ugu horeysay wuxuu qiray in ciidanka ay ku lug-leeyihiin ka ganacsiga maandooriyaha.

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo Arbacadii shalay ka hadlay munaasad ka dhacdey Garowe ayaa shaaca ka dhigay in hay'adaha ammaanka Puntland ay ku lug-leeyihiin ka ganacsiga maandooriyaha.
 
Deni oo ay hor-fadhiyeen qaar kamid ah madaxda sarre ee laamaha ammaanka ayaa si toos ah wuxuu carabka ugu dhuftey in saraakiisha nabad-gelyadda ay qeyb ka yihiin "cabida, iibinta iyo kala gudbinta mukhaadaraadka".
 
"Saraakiisha halkan ayay fadhidaa waxba dadka loo qarin mayo xaqiiqaduna waa sidaa," ayuu tibaaxay. "Maxaa yeelay waxa burburaya oo aan fiirsaneyno waa ubadkeena oo u baahan in wax laga qabto [iyo wacyi-gelin ballaaran]".
 
Hadalkan ayaa sababay falcelin culus oo ka timid shacabka. Dadka oo mowqifkooda ku muujiyey baraha bulshada waxay amaaneyn qiraalka Deni, balse ku dhaliileen in xukuumadiisa ay gabtey kaalinta uga aadaneyd ka hortagga.
 
Ka ganacsiga mukhaadaraadka ayaa aad u kordhay magaalooyinka Puntland gaar ahaan magaala madaxda Garowe dhowrkii sano lasoo dhaafay iyadda oo uu gaarey heer aan lala gaban taasoo horey aanan u jirin.
 
Ciidamadda ayaa sameeyay isku-dayo ay kaga takhalusayaan kooxaha ka ganacsatada maandooriyaha. Hase ahaatee, wararku waxay sheegayaan in uusan jirin go’aan mideysan iyo amar fulineed ka yimid hogaanka sarre.

Sikstaba ha ahaatee, waxaa wax la isku-raacsan yahay in meel kasta oo u uku bato ka ganacsiga mukhaadaraadka ay jidka kusoo jirto amni darro, dhac hubeysan iyo tacadiyo ka dhan qeybta ugu badan bulshada ee haweenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM