Deni & Isbahaysiga SIM oo heshiis ka gaari la’ nooca doorashada

Image

GAROWE, Soomaaliya - Masraxa siyaasadda Puntland ayaa waxaa hadda ka taagan muran xooggan oo ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, iyadoo ku adkaysiga maamulka talada haayo ee hanaanka doorasho ee lagu mursanyahay uu sabab u noqday in lagu guuldareysto isku day walba ee xal lagu gaari lahaa.

Isbahaysiga loo yaqaan SIM ee ka kooban ururada Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal, ayaa ku baaqaya in la qabto doorasho baarlamaani ah, halka xukuumadda iyo xisbigeeduna ay dabada ka riixayaan doorashooyin ay shacabka ku dooranayaan Baarlamaanka ilaa Madaxweynaha kuna hoos duugan muddo kororsi.

Ismari waagaas ayaa wali taagan, iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay shirar isdaba joog ah uu ka dhacayay magaalada Garoowe una dhaxeeyay maamulka Siciid Cabdullahi Deni iyo Isbahaysiga SIM.

Xudunta dooddu waxay ku saabsan tahay nooca doorasho iyo doorka ay dadku ku leeyihiin hannaanka doorashada, ilaa haatanna ma jiro qodob ay isku raaceen labada dhinac.

Dhanka kale, siyaasiyiinta ku midaysan Dallada Mucaaradka ayaa walaac ka muujinaya saameynta uu khilaafka siyaasadeed ku yeelan karo nolosha Shacabka Puntland, iyaga oo u arka wadiiqada kaliya ee doorashada waqtigeeda lagu qaban karo ay tahay doorashadii 66dii.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM