Deni iyo daahfurka baratanka doorashadda Puntland ee 2024

Image
Madaxweynaha ayaa mudada u hartey xoogga saaraya fulinta balanqaadkiisii doorashada kaltankii hore 2019-kii.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay wuxuu qaadey wax ay dad badan ku tilmaameen "daahfurka loolanka doorashadda madaxtinimada dowlada Puntland sanadka 2024".

Deni ayaa isbadalo waaweyn ku sameeyay xukuumadiisa wuxuuna meesha ka saarey shaqsiyaad si weyn uga dhex-muuqdey dowladiisa saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Sida ku cad wareegto uu xalay saxiixay Deni, waxaa S/guuto Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).

Jamaal oo horey u soo noqdey agaasimaha telefishinka dowladda Puntland ee Puntland State Tv ayaa wasiirka qorsheynta ka ahaa xukuumadda Deni bilooyinkii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, qayb kale oo digreetadda kamid ah ayaa isbadal ballaaran ku sameysay wasiiradda iyadda oo ay xalal heleen shaqsiyaad horey xilal uga soo qabtey Soomaaliya iyo Puntland.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa loo badalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadd, halka u horey u ahaa wasiirka arrimaha gudaha, iyadda oo Xasan Shire Abgaal uu sidaas meesha uga baxay.

Magacaabid: Waxaa Cabdi Faarax Juxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga

Waxaa Maxamed Cabdiwahaab Axmed loo magacaabay Wasiiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil (Sheikh Aduun) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda.

Talaabooinkan ayuu madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni qaadey xilli uu mudada uga hartey xilheynta uu qorsheynayo in uu waqti badan geliyo hirgelinta balanqaadkiisii ololaha doorashada ee ahaa qof iyo cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM