Deni iyo Gaas oo kulankii ugu horeeyay ku yeeshay Madaxtooyadda Puntland [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha la doortay ee Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu soo dhaweeyay xarunta Madaxtooyadda magaaladda Garowe.

Gaas ayaa Madaxweyne Deni kusoo dhaweeyay qasriga Madaxtooyadda, waxaana ay halkaasi ay ku yeesheen kulan gaar ah, oo ay uga wada hadleen arrimo ku saabsan xil-wareejinta iyo goorta ay dhacayso.

Madaxweyne ku xigeenka cusub Axmed Karaash iyo Camey ayaa sidoo kale ka qeybgalay kulanka, oo noqonaya midkii ugu horeeyay oo ay yeeshaan madaxda xilka ka degaysa iyo kuwa la wareegaya, kadib doorashadii shalay ka dhacday Garowe.

Gaas iyo Camey ayaa kamid ahaa Musharixiinta shalay looga adkaadey doorashadda, iyagoo isku soo sharxay in markale dib loogu doorto hogaanka Puntland, oo shantii sano ee ay xafiiska joogeen lagu eedeeyay wax-qabad la'aan iyo musuq-maasuq.

Madaxweynaha cusub, oo khudbad kooban oo uu shalay jeediyay kadib doorashadii, ayaa sheegay in Taariikhda Puntland u furmay bog cusub, isagoo ugu baaqey shacabka inay gacmaha is-qabsadaan kana shaqeeyaan nabadda iyo horumarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM