Deni: Maanta wixii ka dambeeyo Puntland lama keeni karo wax bac ah

Image
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda xuska maalinta Deegaanka Aduunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda xuska maalinta Deegaanka Aduunka oo sanad kasta loo dabaaldego (05-ta Bisha June), taasi oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada. 

Deni oo ka hadlayey munaasabadda xuska maalinta deegaanka adduunka ayaa faray Masuuliyiinta Maaliyadda, Laamaha Amniga iyo Hay’adaha ay khuseyso in laga billaabo maanta aan wax bac ah laga soo dejin karin Puntland, Kuwa lagu soo geliyo kotorobaankana laga hortago, sii loo illaaliyo deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa Munaasabadda la wadaagay dadaalka ay Wasaaradu ku bixisay Illaalinta deegaanka iyo dhireynta, wuxuuna uga mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Guud ahaanba Dowladda muhiimada la siinayo arrimaha deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .

Hal ku dhiga xuska illaalinta deegaanka ayaa sanadkan laga dhigay “Dib u soo nooleynta Dhulka, la-dagaalanka saxaraha iyo u adkeysiga Abaaraha". Waxaana ka qeyb-galay munaasabadda Masuuliyiinta Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adaha ay wadashaqeeyaan, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Laamaha Amniga , La-taliyeyaal , Waxgarad, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Saraakiil Madaxtooyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM