Deni oo aan wali xaqiijin hadalo kasoo yeeray wasiirkiisa gudaha

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa qadiyadan kusoo hadal-qaadin khudbadiisa furitaanka baarlamaanka.

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hadal-jeedintiisa furitaanka kalfadhiga 51aad ee Golaha Wakiiladda Puntland wuxuusan ku xaqiijin hadalo uu dhowr munaasabadood ka sheegay Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha.

Cabdifaarax Saciid Juxa ayaa ku cel-celiyey in uusan jirin ajande qarsoon oo lagu hoos-fulinayo dardargelinta doorashooyinka goleyaasha degaanka ee lagu muransan yahay isaga oo ula jeeda in uusan imaan doonin wax muddo kororsi ah.

Markii ugu dambeysay, xaflad uu maalmo kahor ku qabtey magaaladda Gaalkacyo ayuu si toos ah ugu sheegay "in madaxweynaha uusan ku darsan karin waqti-dheeraad ah aysana jirin cid muddo kororsi u sameyn karta Deni".

Hase ahaatee, dadka xog-ogaal ah ayaa rumeysan in Deni uusan wasiirkiisa kula socon hadaladan. Qiil ka dhigashada madaxweynaha ee qodobada dastuuriga ah ayay ku qeexeen ifafaalo muujineysa in uu u xuub-siiban doono ku darsi.

"Khudbadda madaxweynaha sidoo kale waxaa laga dhex-akhrisan karaa inuu wali ku taagan yahay qorshihiisa ahaa in uu doorashada degaanka kula soo baxo sadex xisbi kadibna uu aado muddo kordhin sharci darro ah," ayay isku-raaceen falanqeeyeyaasha.

Dastuurka Soomaaliya ayaa qudhiisa xeerinaya in dalka uu aado qof iyo cod ah. Hase ahaatee, waxaa aalaaba dib loogu dhigaa daruufaha dalka ka jira sidda ammaanka, siyaasadda iyo madaxda oo sanadka u dambeeya soo baraaruga.

Tusaale ahaan, madaxwayne Farmaajo ayaa dhamaadka muddo xileedkiisa isku-dayay in uu ku ololeeyo qabashadda doorasho toos ah. Hase ahaatee, mucaaradka oo uu Deni kamid ahaa ayaa si xoogan u diidey kuna eedeeyay in uu kororsi doonayo.

Sidaas si lamid ah, dadka Puntland oo kasoo muuqdey warbaahinta maxaliga ah ayaa cod dheer ku sheegay in ay kasoo horjeedaan damaca madaxwayne Deni waxaana ay uga digeen in ku adkeysiga talaabadan keeni karto xasilooni daro.

Diidmadda dadweynaha waxaa xoojinaya in xubno uu guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah ee Puntland u diray degaano kala duwan si ay u soo qiimeeyaan seejooyinka ay shacabka soo eryeen, halka degaanada qaar u tagi waayeen cabsi amni.

Laba todobaad kahor, ciidamadda ammaanka Boosaaso ayaa rasaas nool-nool u adeegsadey shacab ku banaanbaxay howlwadeenada TPEC oo waday howlo qiimeyn. Nasiib wanaag, ma jirin waxyeelo dhimasho ama dhaawac oo ka dhashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM