Deni oo amaanay wax-qabadkii maamulkii Faroole, kana hadlay xiisadda taagan

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha dhawaan xilka ka sii dagaya Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysi kaga hadlay marxaladihii ay soo martay Puntland 25-kii sano ee la soo dhaafay.

Deni ayaa sheegay in bilowga isbadalka siyaasadeed ee dhanka dimuquraadiyadda uu soo bilowday xilligii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, kaasoo guulo badan oo dhanka siyaasadda ah ka gaaray.

“Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa ahaa Madaxweyanaha bilaabay/dhaqaajiyay, hanaanka dimuqraadiyadeynta Puntland, isla markaana dhamaystiray Dastuurka”

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Guddigii ugu horreeyay ee doorashada la sameeyay Xilligiisa, waxaana sidoo kale la dhisay shuruucdii doorashada lana dhameystiray barnaamijyo muhiim u ahaa hormarka Puntland.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu eedeeyay in uu fidno ka dhex hurinayo bulshada Puntland, isla markaana uu kala qaybinayo, si uu u gaaro dano siyaasadeed.

Dadka dhaliila ayaa ka cabsi qaba in isbadalka dimuqraadiyadeed ee ka jira Puntland ay dib u dhac uga yimaado siyaasadaha Deni oo ku dhisan go’aano hal dhinac ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM