Deni oo amar kasoo saarey askar ku dhaawacantay shil

Image
Booqashada waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa isbitaalka ku booqday Ciidamo ka tirsan Daraawiishta gaar ahaan Ururka Afraad ee Dayax oo dhowaan ku dhaawacmay shil gaari oo ay ku galeen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe.

Deni ayaa warbixin ka dhegaystay dhakhaatiirta gacanta ku haysa askarta dhaawaca ah, wuxuuna xaal wareystay iyaga, isagoo faray masuuliyiinta ay khuseyso in xil la iska saaro daaweynta geesiyaashaasi dalkooda iyo dadkooda u shaqeynayay.

Booqashada waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo Saraakiil Madaxtooyo.

"Ciidamadeenu waa laf-dhabarteena, inaga ayeeyna inaga wada baxeen, Alle janadii ha geeyo Askarta geeriyootay inta dhaawaca ahna alle ha u boogga dhayo, eheladii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeena alle Samir iyo iimaan ha kasiiyo," ayuu horey u yiri Deni kadib shilka gaari.

Xogta laga helay khasaarihii ka dhashey shilkii haleeley ciidanka Ilaalada Madaxweynaha Puntland ayaa sheegaysa in waxyeeladda ay korortey, sida ay sheegayaan xogta laga heleyo goobaha caafimaadka.

Askarta ku dhimatey gaarigii ay saarnayeen ciidan xoojin ah oo ka mid ahaa ilaaliada ayaa gaartey 7 askari. Shilkaan ayaa ka dhacey wadada laamiga ah ee u dhexeysa degmada Dangorayo iyo Garowe.

Ciidankaan ayaa wararku sheegayaan iney kaligood ahaayeen oo uusan Madaxweynaha Puntland la socon. Shilalka noocaan ah ayaa aalaaba waxaa sababa xowliga gaariga ku socdo iyo khibrad yarida dareewalada si lamid ah burburka waddooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM