Deni oo amray in la asteeyo goobta laga dhisayo dekad kalluumeysi

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiista maanta ah wuxuu kormeeray qaar kamid ah xarumaha Dowladda ee Boosaaso.

Duqa degmadda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa wuxuu ka warbixiyey kormeerka Madaxweynuhu ku tegey xarumahaasi ku yaala magaaladaas xeebta leh.

"Maanta oo ah maalin khamis ah Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kormeer rasmi ah ku tagey goobaha dowladda ee ku yaalla magaalada Boosaso," ayuu ku bilaabay

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

"...waxaana kormeerkaas Madaxweynuhu ka bilaabay saldhigga bartamaha, maadaama saldhigga dhawaan si casri ah loo dhisay si Madaxweynuhu u fiiriyo qaabka uu bulshada ugu adeegayo".

Boosaaso, oo ah xarunta ganacsiga Puntland, ayaa waxaa bisha koowaad ee sanadka 2020-ka waxay martigelin doontaa Carwo lagu soo bandhigi doono ganacsiga maxaliga ah.

"Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tagey taliska Qeybta Booliska gonolka Bari, suuqa iibka kalluunka magaalada iyo dekadda magaalada Boosaaso".

Magaaladan dekadda leh ayaa muhiim waxay u tahay qorshaha xukuumadda Deni ee kobcinta dhaqaalaha, maadaama ay ku taalo marin muhiim u ah gobolka Geeska Afrika.

"...halkaas wuxuu Madaxweynuhu kula kulmay masuuliyiinta wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasaaradda kalluumaysiga, Maamulka Degmada iyo Gobolka".

Mashaariicyo horumarineed ayaa lagu wadaa in laga fuliyo Boosaaso oo ay kamid tahay dhismaha dekad gaar u ah kallumeysatada oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha.

"...Wuxuu madaxweynuhu amar rasmi ah ku bixiyey in si deg-deg ah loo soo asteeyo meeshii laga dhisi lahaa marso ay yeelan doonaan kaluumaysatada iyo dadka u kala safraya gobolka Bari dhexdiisa qeybta badda isticmaasha".

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu wuxuu kormeerkiisa ku tegey maxjarada xoolaha ee magaalada Boosaaso oo xiligaan xoolo badani ay joogaan iyo Xarunta kaydka Shidaalka ee Oshiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM