Deni oo amray in la baaro telefoonadda wasiiradda Puntland

Image
Dhacdan ayaa lasoo wariyey kahor shirkii todobaadlaha ahaa ee Xubnaha Golaha Xukuumadda.

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khamiista maanta ah wuxuu guddoomiyey shirka todobaadlaha Golaha Wasiiradda Dowlada Puntland kaasoo ka dhacay Madaxtooyadda magaalada caasimadda ah ee Garowe.

Illo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dowladda ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in dhamaan xubnaha xukuumadda ee ka qeybgalay kulanka banaanka hoolka shirka looga uruuriyey telefoonada lana baarey moobeeladooda.

"Howlwadeenada Madaxtooyadda ayaa shaqadaas qabtey," ayuu yiri goobjooge ku sugan Madaxtooyadda oo la hadlay Garowe Online. "Xataa wasiir kasta waxaa la hubiyey in uu wato telefoon labaad," ayuu hadalkiisa sii raaciyey goobjoogaha.

Qof diidey in magaciisa la adeegsado oo si hoose ula hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in dhacdadan kadib uu shirka ku bilowday "jawi ka duwan xaaladihii caadiga ahayd". Ma jirin mas'uul soo hadal-qaadey falkan intii wadahadalku socdey.

"Madaxweynaha [Deni] wuxuu hadalkiisa ku bilaabay in dowladdii Farmaajo ay ka wadaniyadsaneyd dowladda Xasan Sheekh," ayuu yiri goobjoogaha. "Kadib wuxuu madaxweynaha federaalka iyo saaxiibadiisa ku eedeeyay dhaqaale lunsasho".

Canaanta wasiirada Puntland

Sidda ay xogta sheegeyso, Deni ayaa ku canaantey qaar kamid ah wasiiradiisa kulanka fadhiyey, isaga oo ku dhaleeceeyay in ay tageen Muqdisho, sawirro la galeen mas'uuliyiinta federaalka ayna galeen heshiisyo uusan ogayn.

"Madaxwaynuhu wuxuu wasiiradiisa ku tilmaamay kuwa aan lahayn khibrad siyaasadeed iyo in aysan garaneyn sidda loola dhaqmo dowladda federaalka," ayay goobjoogeyaashu wariyeen. "Wuxuu ku faanay in uu isagu kaga fiican yahay".

Intii uu la hadlayay golaha, Deni oo qoomamo ka muujiyey sawiraddii laga qaadey dhirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka kaasoo uu kaga qeybgalay Muqdisho ayaa caddeeyay "in gabi ahaanba aysan jirin cid heshiisay".

"Si gaar ah wuxuu madaxwaynuhu tusaale ugu soo qaatay muuqaaladii iyo sawiradii laga qabtey markii ay wada socdeen Madaxwayne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre," ayay hoosta ka xariiqeen illo wareedyadda.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifataax Maxamed Cabdinuur oo uu magacaabay bishii September, 2022 ayuu faray in uu siminaar iyo tababar u furo wasiirada Puntland "si uu u baro qaabka loola dhaqmo dowladda federaalka".

Balanqaadyo aan wali la fulin

Hab-dhaqanka ka muuqdey hadalada madaxwayne Deni ayaa ah isla qaabkii uu kula macaamilayay dowladdii Farmaajo taasoo gaabis gelisay wadashaqeyntii hay’adaha dowliga Puntland kala dhaxeysay federaalka sidda ammaanka.

"Madaxwaynaha wuxuu kusoo rogay wasiiradda in aysan wax wadashaqeyn ah la yeelan karin wasaaradaha federaalka – illaa isaga lala soo socod-siiyo," ayay GO u xaqiijiyeen ugu yaraan saddex qof oo xog-ogaal u ah shirka.

Mas'uuliyiinta ayaa intaas ku daray in hab-dhaqankan uu yahay mid caan ku yahay madaxweynaha Puntland waxaana ay tibaaxeen in ay wiiqeyso dhismaha hay'adaha dowliga ah.

Eedeynta uu Deni u jeedinayo madaxwayne Xasan Sheekh ayaa kusoo hagaagaysa xilli aan wali la fulin balanqaadyo dhaqaale oo labada mas’uul isku-afgarteen kulankii ugu dambeeyay ee ku dhexmaray magaaladda caasimada ah ee Garowe.

Madaxda Dowladda federaalka ayaa kulankan kadib waxay galeen dagaal saddex geesood ah oo ka dhan ah Al-Shabaab. Dadka u dhuun-daloola siyaasadda ayaa rumeysan in fulinta balamahan ay u badan tahay in ay dib u dhigtey arrinkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’aano laga soo saarey dhameystirka Dimuqraadiyadda Puntland

Qodobadan ayaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada oo uu guddoomiyey madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

  • Puntland

    28-03-2024

  • 12:02PM

Faysal Cali Waraabe: Jabuuti baa nooga daran Soomaaliya

Xukuumada Jabuuti ayaa durtay heshiis beenaadkii ay gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

  • Puntland

    28-03-2024

  • 11:46AM