Saciid Deni oo dagaalka siyaasadeed ku bilaabay Xasan Sheekh

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa is-hortaagay socdaal shaqo oo wasiir heer federaal ku tagi lahaa degaan muhiim ah.

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa is-hor-taagay socdaal Wasiirka isbadalka Cimilada iyo Degaanka dowladda federaalka ku tagi lahayd degaano ka tirsan Puntland, sida uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Xildhibaan Khadiija Al-Makhsuumi ayaa, sidda xogta sheegeyso, waxaa lagu waday in Sabtida 3-da December, 2022 ay timaado Garowe kadibna u gudubto degaan u dhaxeeya Garacad iyo Godob-jiraan halkaasoo bacaad badan uu ku habsadey.

"Talaabadda madaxweynaha ee baajinta safarka shaqo ee wasiirka waxay qeyb ka tahay amaradda uu ku bixiyey shirkii ugu dambeeyay ee golaha wasiiradda," ayay GO u xaqiijiyeen saddex illo wareedyo kala duwan oo xog-ogaal ah.

Deni oo wasiiradda Puntland ka mamnuucay in ay tagaan magaala madaxda waddanka ee Muqdisho iyagoo aan fasax ka haysan xafiiskiisa ayaa wuxuu faray in aysan wadashaqeyn la yeelan karin wasaaradaha dowladda federaalka.

Kahor kulankan, wasiiradda ka qeybgalay shirka ayaa laga uruuriyey telefoonada kadibna lagu sameeyay baaris iyo hubin ku aadan haddii ay wataan moobeelo kale. Talaabadan ayaysan wali Madaxtooaydda fahfaahin dheeri ah ka bixin.

Intii uu socday shirkan, madaxwayne Deni ayaa, sidda illo lagu kalsoon yahay sheegeen GO, waxa uu ku eedeeyay hogaanka dowladda federaalka “dhaqaale lunsasho" iyo in ay "ka wadaniyadsaneyd dowladdii Farmaajo".

GO ayaa sidoo kale wuxuu ogaadey in Deni uu qoomamo ka muujiyey sawiradda iyo muuqaalada laga duubay mudadii uu socday shirkii ugu dambeeyay ee Muqdisho isaga oo ku adkeystay "in aysan jirin cid heshiisay".

"Sidoo kale, go’aanka is-hor-taagga madaxwaynuhu qaatay waxay u muuqataa in uu dib u bilaabay hab-dhaqankiisa la dagaalanka xukuumadda federaalka ee uu soo waday shantii sano lasoo dhaafay," ayay tibaaxeen illo wareedyadda.

Shacabka degaanka bacaadka ku habsadey ayaa si weyn ugu baahan kaalmo dowladeed. Baaqashadda socdaalka wasiiradda ayaa la aaminsan yahay in uu meesha ka saarayo fursad wax looga qaban karay xaalada bini'aadanimo ee haysata.

Dagaalka siyaasadeed ee Deni ku bilaabay dowladda federaalka ayaa la aaminsan yahay in uu salka ku hayo balamo uu la galay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo aan wali la fulin. Balanqaayada ayaa salka ku haya arrimo xilal iyo dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM