Deni oo ciidanka iyo shaqaalaha u isticmaalaya siyaasad

Image
Image
Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli ay isa soo tarayaan digniinaha laga bixinayo barnaamijka muddo kororsiga.

GAROWE, Puntland - Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo uu ku jiro duqa Garowe ayaa ka qeybgalay kulan koox dhalinyaro ah oo isku-heyb ah ay ku qabteen magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

Kulankan oo ay sidoo kale kasoo muuqdeen shaqaale rayid iyo saraakiil ciidan ayaa la sheegay in lagu taageerayay doorashadda shakiga badan uu hareeyay ee goleyaasha degaanka.

Dastuurka Puntland gaar ahaan qodobkiisa 45-aad faqradda koowaad ayaa xeerinaya in shaqaalaha rayidka iyo ciidamadda ay mamnuuc ka tahay in ay ku milmaan siyaasadda.

Qodobka ayaa u qoran sidda tan: "Dadka ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee aan hawlgabka ahayan iyogarsoorayaashu, xubin kama noqon karaan xisbiyada siyaasadda, isumana sharrixi karaan doorashooyinka".

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankan ay gadaal ka riixeysay Madaxtooyadda Puntland gaar ahaan xafiiska madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo ujeedo kale ka leh barnaamijka dimuqraadiyeynta.

Dadweynaha iyo Ururadda Siyaasadda ayaa shaaca ka dhigay in Deni uu barnaamijkan ku hoos-qarinayo muddo kororsi taasoo ay ka digeen in ay keeni karto xasilooni darro siyaasadeed.

Barnaamijka qof iyo cod ayaa u muuqda mid aan socon karin maadaama sohdimeynta wasaarada arimaha gudaha soo saartay uu gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland ku tilmaamay "mid aan sharci ahayn".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM