Deni oo daahfuray daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland

Image
Imtixaanka waxaa u fadhiistay 21,801 Arday oo dhameystay Waxbarashada Fasallada 8-aad iyo 12-aad.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland, oo ay sanadka u fariisteen 21,801 Arday oo dhameystay Waxbarashada Fasallada 8-aad iyo 12-aad ee Dugsiyada dhexe iyo Sarre ee Gobolada Puntland.

Deni ayaa gacantiisa ugu qeybiyey waraaqaha u horeeyay ee Imtixaanka qaar ka mid ah ardayda Puntland, wuxuuna ugu duceeyay in Allaah u fududeeyo Imtixaanaadka, isagoo u rajeeyay dhammaantood mustaqbal wanaagsan.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Mudane Fu’aad Abshir Adeer iyo Bahda Waxbarashada Puntland, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM