Deni oo danahiisa gaarka ah u kala qeybinaya dadka Puntland

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa la xaqiijiyey in fulinta qorshahan uu bilaabay Jimcadii shalay ahayd.

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa bilaabay hirgelinta qorshe ballaaran oo uu doonayo in uu ku kala qeybiyo dadweynaha Puntland isaga oo gabaad ahaan u adeegsanaya kaarka dimuqraadiyadda.

Qorshahan ayaa, sidda illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u sheegeen Garowe Online, waxa uu yahay in uu si gooni-gooni ah u arko dadka kasoo jeeda gobolada Puntland una sheego in ay ku laabtaan degaanadooda.

Sidda warsidaha GO ogaadey, Deni ayaa shalay kulan qaddo ah ku qaabilay dad kasoo jeeda gobolka Bari kuna sugan magaala madaxda Garowe, isaga oo ka codsadey in ay ku laabtaan degaanada ay kasoo jeedaan.

"Madaxweynaha waxa uu shirka ka sheegay in gobolka Bari ka hirgeliyey xarumo dowladeed uuna sii kordhinayo iyo in uu dowladnimada fadhigoodda ugu keenayo," ayay caddeeyeen dad xog-ogaal u ah kulankaas.

Qaar kamid ah dadka ka qeybgalay kulanka ayaa Deni hor-dhigay su’aallo ay kamid yihiin in xasaradaha ka aloolsan gobolka Bari in uu shaqsiyan mas’uul uga yahay isla markaana wali xal waara aanan loo helin.

"Madaxweynaha su’aallaha qaar wuu ka jawaabay balse wuxuu maaro u waayay in uu wajaho waydiimaha ku gadaaman dagaaladdii ka dhacay Boosaaso iyo kaalinta ay xukuumadiisa ku lahayd," ayay raaciyeen illaha.

Sidoo kale, qaar kamid ah ka qeybgalayaasha ayaa u sheegay madaxwaynaha in aysan suurtagal ahayn qabashadda doorasho toos ah iyadda oo aan la helin heshiis siyaasadeed.

Xog laga helay dad ku dhow Madaxtooyadda ayaa xaqiijisay in Deni uu ku fekerayo in uu gobolada Gardafuu, Karkaar iyo Bari uu ka bilaabo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka qof iyo cod ee lagu muransan yahay.

"Hadafka ugu weyn ee Saciid Deni waa in uu sii joogo xukunka illaa doorashadda madaxtinimada Soomaaliya 2026-ka iyo in uu muddo kororsi ku helo kaarka dimuqraadiyeynta Puntland," ayay caddeeyeen illo wareedyadda.

Ururadda siyaasadda Puntland ayaa kadib shir ay ku yeesheen magaala madaxda Garowe waxay soo bandhigeen 13 qodobo ay sheegeen in ay kaliya ku qabsoomi karaan doorashada qof iyo cod.

Qaar kamid ah ururadda siyaasadda iyo bulshadda Puntland ayaa cod dheer waxay uga digeen in qaab qardo-jeex ah loo wajaho nidaamka xisbiyadda badan iyaga oo ku baaqay in geedi-socod la isla ogol-yahay loona dhan-yahay

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Helay Xabaalo Daacish ku aastay hogaamiyaasha laga dilay

Waxay ahayd difaacii ugu ballaarnaa, marka laga reebo Dhasaan ilaa Miiraale, oo horey gacanta loogu dhigay.

  • Puntland

    24-02-2025

  • 09:19AM