Saciid Deni oo dhabarka ka toogtey wafdi uu hogaaminayo Juxa

Image
Mas'uuliyiintan ka socdey Puntland ayaa wakiilada Beesha Caalamka kula kulmay magaalada Nairobi.

NAIROBI, Kenya - Mas'uuliyiin ka socday dowladda Puntland ayaa magaala madaxda waddanka Kenya ee Nairobi waxay kulan albaabada u xirnaa kula yeesheen wakiilo ka socday Beesha Caalamka gaar ahaan dalalka isha ku haya arrimaha doorashada qof iyo codka.

Wafdigan oo uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta, Cabdifaarax Saciid Juxa, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoonka Guddiga ku meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland.

Juxa iyo xubnaha wehliyey ayaa isku-dayay in ay xayiraada ka qaadaan dhaqaale ay deeq-bixiyeyaasha ugu talogaleen barnaamijka dimuqraadiyeynta taasoo loo hakiyey mad-madow hareeyay geedi-socodka.

Garowe Online ayaa fahansan in diblumaasiyiinta ay wafdiga u sheegeen in aysan fasixi karin lacagaha "maadaama qaabka haatan wax u socdaan ay ka dhex-muuqato dano shaqsiyadeed iyo kuwa siyaasadeed".

"Juxa iyo kooxdiisa waxay ku adkeysteen in qorshahaas uu waxba kama jiraan yahay," ayay raaciyeen dadka xog-ogaalka ah. "Hase ahaatee, iyadda oo doodda socoto ayaa war naxdin leh kasoo yeeray Madaxtooyadda".

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo xileedkiisa ay uga hareen sideed bilood ayaa xalay golahiisa wasiiradda waxa uu mariyey damaciisa wax ka badalka qodobka 46aad ee dastuurka kaasoo xadidaya tirada xisbiyadda.

Go'aankan ayaa falanqeeyeyaasha siyaasadda waxay ku tilmaamay "mid uu Deni dhabarka uga toogtey Juxa iyo wafdigiisa maadaama ay u sheegeen Beesha Caalamka uusan jirin qorshe kale oo daaha gadaashiisa ku jira".

Qorshahan jiritaankiisa uu warsidaha Garowe Online horey u baahiyey ayaa waxa uu daaran yahay in shan xisbi laga dhigo tirada dastuurka ogol yahay oo haatan ah saddex.

Talaabadan ayaa, sidda ay aaminsan yihiin dadka xog-ogaalka ah, waxay salka ku haysaa walwal uu Deni ka qabo in coddeynta halka dhinac ah ay kusoo baxaan ururo aan cajibin.

Isbedelkan uu gadaal ka riixayo Saciid Deni ayaa kusoo aadaya xilli qaar kamid ah Ururada iyo Madasha Siyaasada Puntland ay ku eedeeyeen in uu muddo kororsi sharci darro ah ku raadinayo doorashooyinka goleyaasha degaanka ee waqti-xaadirkan lagu muransan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM