Deni oo fagaare ka caddeeyay damaciisa muddo kororsiga

Image
Odayaal uu kula kulmay magaalada Boosaaso ayuu uga waramay qorshihiisa kursi isku-kooleynta.

BOOSAASO, Puntland — Madaxwaynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka ka hareen Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay waxa uu magaalada dekadda lah ee Boosaaso kulan qaddo ah ugu sameeyay odayaaaha dhaqanka gobolka Bari.

Sidda uu ogaaday warsidaha Garowe Online, Deni ayaa Isimada waxa uu kala hadlay xaalada kala guurka ah ee Puntland gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo hanaanka dimuqraadiyeynta ee muranka xooggan uu hareeyay.

Deni ayaa shirkan albaabada u xirnaa waxa uu kusoo bandhigay qaabka uu doonayo in uu ku helo muddo kororsi baalmarsan dastuurka maamulka taasoo ay horey uga digeen siyaasiyiinta iyo qeybo kamid ah bulshadda rayidka Puntland.

"Madaxweynaha waxa uu yiri 'Isimada waa mahadsan yihiin shaqo wanaagsan bay u qabteen dalka iyo dadka Puntland laakiin markan waa la nasinayaa' sidaas buu afka ugu balaariyay," ayuu qof kamid ah dadka sida dhow ula socday dooda.

GO ayaa fahansan in Deni daqiiqadihii wadahadalka socday uu carabka ku adkeeyay in uu doonayo in doorashada baarlamaanka iyo madaxwaynaha Puntland ay noqoto mid ay ku tartamaan xisbiyo una baahan yahay ku darsi.

"Waqti uusan cayimin ayuu u qabtey dhismaha guddi doorasho oo mashruucaas u fuliya iyo ansixinta baarlamaanka. Muddo kororsi toban bilood uu qiil uga dhigay arrimo farsamo ayuu ka shanqariyay in ay dhaceyso," ayuu raaciyay.

Saddexda urur siyaasadeed ee ka labin sheegtay doorashaddii muranka hareeyay ee goleyaasha degaanka ayaa kasoo jeeda hal gobol oo ah Karkaar, balse labo kamid ah gaar ahaan Mideeye ayaan ku siyaasad ahayn xukuumadda Deni.

Si uu gaabkaas meesha uga saaro, Deni ayaa, sidda xogta ay muujineyso, waxaa u qorsheysan furista dastuurka si uu u kordhiyo tiradda ururada una gaarsiiyo illaa shan taasoo uu ku doonayo in uu kula soo baxo labo urur taabacsan.

Dhamaan qorsheyaashaan ayaa waxa ay kusoo beegmayaan iyadda oo dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan gudaha iyo daafaha Garowe. Ciidankan ayaa isugu jira qaar ka gadoodsan mushahar la'aan iyo cutubyo kasoo horjeeda muddo kororsiga.

Deni oo dhowrkii bilood lasoo dhaafay ku sugan Boosaaso ayaa xukuumadiisa waxay xuquuqdii ciidamadda iyo shaqaalaha rayidka Puntland u weecisay doorashooyinka uu khilaafka ragaadiyey waxayna tani nolosha ku cusleysay qoysas badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM