Deni oo ka warbixiyey dib-u-eegista heshiiska Boosaaso

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Talaadada maanta ah wuxuu si rasmi ah u daahfuray kalfadhiga 48aad ee Golaha Wakiiladda ee dowladda Puntland ee xaruntiisa ay tahay Garowe.

Deni ayaa munaasabadda wuxuu ka jeediyey khudbad uu kusoo bandhigay "guulaha xukuumadiisu gaartey" mudadii u dhaxeysay labada kalfadhi ee kala ah kan 47aad iyo 48aad.

Ugu horeyn, wuxuu murugada la wadaagay ganacsatada hantidooda ku waayey dabkii qabsadey suuqa Boosaaso, isaga oo xusay in dowladdu "garab istaageyso inta karaankeeda ah".

Dib-u-habeyn ayuu xusay in lagu sameeyay ciidamadda qeybihiisa kala duwan taasoo ka dhalatay xoojinta howlgalada laguna soo afjaray laba shabakad oo 13-sano Al-Shabaab uga howlgaleyey gobolka Muddo.

"Waxaa la qabtey dhagar-qabayayaashii ka tirsanaa labadaas shabakado oo dhan 38; waxaa 18 kamid ah la mariyey hanaanka sharciga dowlada Puntland. Baaritaanadii la sameeyay waxay dhamaantooda sheegeen in dhiiragelin dhaqaale ay u sameeyeen dambiyaddan ay dadkooda iyo dalkooda ka galeen Ilaaheyna uga fogaadeen," ayuu ka dhawaajiyey.

Dhalinyarada ku dhaqan Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaaliya ayuu uga digay "in aan lagu qaldin fekerad diin iyo sandareerto dhaqaale oo ay Ilaahey uga fogaanayaan".

Inkasta oo uu jiray Covid-19 oo saameyn daran sameeyay, haddana dhaqaalaha Puntland ayuu xusay in uusan soo wajahin hoos-u-dhac lana hirgeliyey hanaan casri ah oo lagu dabagalayo fulinta mashaariicda.

Ciidanka Badda ayuu xusay in ay soo qabteen 16 doonyo wadday kalluumeysi sharci darro ah 14 kamid ahna ay ahaayeen ajaaniib lana maxkamadeeyay, isaga oo u digay jariifka iyo darafyada ku lugta leh.

Machadka Shaqaalaha dowlada Puntland ayuu xusay in uu heshiis la galay dhigiisa Kenya "si sarre loogu qaado tayada, aqoonta, xirfadda iyo waaya-aragnimadda howlwadeenada maamulkan xubinta federaalka.

Heshiiska P&O ee marsada Boosaaso ayuu xusay in dib-u-eegis lagu bilaabay. Khuburo ka socda shirkada ayuu xusay in ay sahmiyeen xafaarida goobta ayna shaqada ku bilaabaneyso muddo laba bil gudaheeda.

Mudada dib-u-habeynta socoto oo aan la cayimin ayuu ka dhawaajiyey in akoonka shirkada P&O laga wareejiyey dakhliga dekada isla markaana haatan ay ku dhacdo akoonka kale oo ay maamusho dowlada Puntland.

Ugu dambeyntii, Deni, oo walaac ka muujiyey in wali caqabad ay ka jirto socod-siinta shilin Soomaaliga, ayaa tibaaxay in dowladdiisu ay dedaal badan ku bixineyso sidii ay xal waara ugu heli lahaa mushkiladan xasaasiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM