Deni oo Garowe kula kulmay wakiilada Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan.

Madaxtooyada Puntland oo qoraal soo saartey ayaa fahfaahin dheeraad ah waxay ka bixisay qodobada looga hadlay wadaxaajoodyada.

Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan goleyaasha kala duwan ee dowladda Puntland kana mid yihiin wasiiro ayaa qeyb ka ahaa kulanka.

"Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Deni doorkii ay Puntland ka qaadatay in dalku doorasho u jiheysto, waxayna Wakiilada Beesha caalamka bogaadiyeen dardargelinta doorashada iyadoo la tixgelinayo Kootada Haweenka," ayaa lagu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo saddexdii Degmo ee ugu horeeyay isu diyaariyaan Doorasho gole deegaan oo qof iyo cod ah, horumarnta dhaqaalaha, La dagaalanka Ayaxa iyo Tallaalka Covid19".

Puntland ayaa heer gabagabo ah marsiinaysa diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha dowladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn.

Is-aragan ayaa kusoo aadaya xilli lagu guda jiro todobaadyaddii ugu horeeyay ee dhaqan-gelinta heshiiska doorashooyinka ee Muqdisho ay ku gaareen hogaamiyeyaasha Soomaalida kaasoo soo afjaray hubanti la'aan jirtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM