Deni oo isbedel ku sameeyay qaar kamid ah hay'addaha Puntland

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu isbedello kala duwan uu ku sameeyay qaar kamid ah hay'addaha dowladda Puntland.

Sidda ku xusan wareegto ku taariikheysan 4-ta July, Mr Deni ayaa xeer madaxweyne ku baabi'iyey Hay'addii Biyaha, Tamarta, Korontada iyo Kheyraadka Dabiiciga ah Puntland ee PSAWEN.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Hay'addii Macdanta iyo Shidaalka waxa uu ka dhigay waax ka mid ah qeybaha ay ka kooban tahay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Dhanka kale, hogaamiyaha dowladda Puntland, Mr Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu aas-aasey Wakaaladda Biyaha iyo wakaaladda korontada Dowladda Puntland.

Digreetada oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa lagu shaaciyey in labadaasi wakaaladood ay siyaasad ahaan hoos tagi doonan Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

Dhamaan isbedeladan la sameeyay oo loo gudbiyay Laanta Fulinta ee dowladda Puntland ayaa waxay ku meel-mariyeen cod aqlabiyad leh kadib fadhigii todobaadlaha ahaa ee ay maanta oo yeesheen.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysaa xili uu sidoo kale madaxweynuhu magacii ka bedellay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta taasoo lagu kordhiyey Arrimaha Dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM