Deni oo Isimada gobolka Bari kala hadlaya nabada Boosaaso

Image
Dhinacyada ayaa raadinaya wado lagu gaari karo xal waara oo loo helo xaaladda xarunta ganacsiga Puntland.

BOOSAASO, Puntland – Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ayaa u yeeray Isimada gobolka ee hogaaminyo Boqor Burhaan Boqor Muuse si xal looga gaaro xiisadda ka dhalatay Maxamuud Cismaan Diyaaro Agaasimihii hore ee PSF oo diiday in uu wareejiyo hoggaaminta hay’adda.

Deni ayaa kulanka ka dalbaday Isimada oo dhankooda aqbalay si loosoo afjaro xaaladda ka dhalatay dagaalkii December 2021 Boosaaso ku dhexmaray ciidanka amaanka Puntland & ciidamo daacad u ah agaasimihii hore ee hay’ada.

Madaxweynaha Puntland ayaa fuliyay mid kamid ah soo jeedinta Isimada oo ahayd in gacanta Maamulka Dekedda Boosaaso laga saaro Shirkadda P&O ee hoostagta isutagga Imaaraatka Carabta waxaana lagu wareejiyay shirkada Puntland ay maamulkeeda wax ku leedahay.

Isimada ayaa sidoo kale soo jeediyay in Maxamuud Diyaano loo daayo xilka agaasimaha, gaadiidka iyo ciidanka gaarka u tababaran ee PSF balse xukumadda Puntland ayaa ku gacan sayrtay dalabkaas oo sheegtay taasi ka hor imaanayso nidaamka dowliga ah iyo dib habaynta ciidanka.

Tan iyo markii uu soo baxay qoraalkii Isimada shanta ahaa ee uu hogaaminayay Boqor Burhaan, waxaa ka socday Boosaaso dhaq-dhaqaaqyo iyo wadahadallo u dhaxeeya Ismida iyo maamulka cusub ee loo magacaabey gobolka Bari iyo xukumadda Puntland.

Dhinacyada ayaa raadinaya wado lagu gaari karo xal waara oo loo helo xaaladda magaaladda ganacsiga Puntland, oo tan iyo November 2021 kii uu ka  taagnaa ismariwaaga ka dhashay isbedelka lagu sameeyay hogaankii hore ee hay’adda PSF.

Dowladda Puntland ayaan wali ka jawaabin bayaankii ugu dambeeyay ay soo saareen Isimida oo marka la eego qodobadiisa ay ka duwanaayeen kii hore ay usoo saareen maalmihii dagaalka usocday, kaas oo Madaxweyne Deni ogolaa inuu wadahadal ka galo, si xal loogu helo mushkiladda Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM