Deni oo ka hor yimid ka qeyb galka ciyaartoyda Puntland ee tartanka Dowlad-Goboleedyada

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha muddu xileedkiisa dastuuriga ah sii dhamaaanayo, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa diiday in xulka Puntland ay ka qeybgalaan tartanka maamul goboleedyada ee lagu wado in lagu qabto caasimadda Muqdisho.

Go’aankan ayaa fajaciso ku noqday bahda ciyaaraha Puntland, iyadoo xiriirku uu doonayay inay ka qaybgalaan tartankan oo ay deegaankooda ku metelaan tartanka.

Dadka wax indha-indheeya ayaa ku micneynaya diidmada Madaxweyne Deni in ciyaartoyda Puntland ay ka qeybgalaan tartanka arrimo siyaasadeed oo u dhaxeeya isaga iyo DF ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Caawa ayaa la filayaa in la qabto isku aadka tartanka oo ay ka qeyb galayaan Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo maamulka SSC-Khaatumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM