Deni oo qirtay boobka doorashadii Xildhibaanada Federaalka

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa beesha iska leh kuraasta siiyey raaligelin dhameystiran.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha muddo xileedkiisa bilooyinka ka hareen ee dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa 13 May, 2023 waxa uu waqooyiga magaaladda Gaalkacyo kula kulmay Isimadda gobolka Mudug.

Siyaaasi Cabdikarim Guure oo horey uga mid ahaa baarlamaanka Puntland, ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshadda waxa uu ku fahfaahiyey arrimaha lagu dul-istaagay wadaxaajoodyadaas.

Fariinta madaxweyne Deni la shir-tagay ayuu ku macneeyay "Kulankan anigaa dalbaday, waxaan idiinku yeeray in aan kasoo hoydo boobkii kuraasta Cumar Maxamuud iyo tixgelin la'aantii dhaqanka beesha ee doorashadii dadbaneyd 2022, waxaan idiin wadaa xaal iyo raalligelin inaad uga aqbashaana waa rajeynayaa".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Mr Guure ayaa waxa uu daaha ka rogay in jawaabta Isimada ee ku dhacdey dhegaha Deni uu nuxurkeedu ahaa saddex qodob oo ay ugu horeyso in aysan taageersaneyn ku darsi.

Jawaabta Isimada siiyeen Deni ayuu ku fasiray "Boobkii kuraasta iyo xadgudubkii dhacay ee aad sanadkii 2022 geysatay haddaad ka soo hoyatay waa aqbalnay hoyashadaada".

Wuxuu intaas ku daray: "Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee aan heshiiska lagu aheyn habraacooda iyo natiijada ka dhalaneysa waxay khatar ku yihiin xasiloonida dalka (do not harm) iyo Doorashada madaxweynaha waa inay wakhtigeeda ku dhacdaa 08-Jan-2024".

Madaxtooyadda Puntland ayaan wali ka hadlin kulankan. Sidoo kale, ma aysan soo bandhigin muuqaalo iyo sawirro ku saabsan wadahadalkan oo u muuqday in uu ahaa mid albaabadda u xirnaa.

Deni oo gadood siyaasadeed u joojiyey wadashaqeynta dowladda federaalka ah ayaa doonaya in uu kaarka doorashooyinka goleyaasha degaanka ku raadsado muddo kororsi si uu mar kale raadiyo madaxtinimada Soomaaliya 2026-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM