Deni oo ka warbixiyey shirka doorashadda ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Axada maanta ah wuxuu bogaadiyey daahfurka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka goleyaasha degaanka.

Dadweynaha ayuu ku tartarsiiyey in ay kawada qeybgalaan hanaanka dimuqraadiyadeed Ururada siyaasadda ayuu ku tartarsiiyey in ay si wadajir ah shacabka ugu wacyigeliyaan is-diiwaan-gelinta.

Sidoo kale, ururada siyaasadeed ayuu sidoo kale wuxuu ku waaniyey in ay garab-istaagaan Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, isaga oo si ballaaran u rajeeyay in coddeynta ay waqtigeeda ku dhacdo.

Deni ayaa fariintan kasoo diray caasimada Muqdisho halkaasoo uu kaga qeybgalayo wadaxaajoodyadda doorashooyinka Soomaaliya oo uu horkacayo ra'iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Rooble.

Deni oo si kooban uga warbixiyey wadahadaladda bilowday Sabtidii shalay ahayd ayaa hoosta ka xariiqay in jawga uu illaa haatan ku socdo uu yahay mid hagaagsan, wuxuuna rajeeyay in xal loo helo.

"Waxaan rajeynayaa in wadada uu hadda hayo in ay keeni doonto in khilaafaad badan oo horey u jiray ay soo afjari doonto dalkana doorasho degan uu geli doono," ayuu xusay Deni oo dalka u rajeeyay wanaag.

Shirka Muqdisho oo ka soconaya Hangarka Ciidamadda Cirka ee Afasiyooni ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyaan todobaadkan - haddii isbedel lama filaan ah uusan imaan - lagana soo saaro heshiis doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM