Deni oo kasoo horjeestay wareegtooyinka uu faafiyey Karaash

Image
Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa magacaabay 18 agaasime iyo laba guddoomiye gobol.

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn dDigreetooyin uu maanta soo saaray ku xigeenkiisa Ahmed Cilmi Cusmaan Karaash.

"Waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya," ayuu yiri.

Karaash ayaa maanta soo saarey wareegtooyin uu ku magacaabay 18 agaasime oo kamid noqonaya xukuumadda Puntland iyo gudoomiyeyaasha laba gobol oo hoostaga maamulkan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.

Haddaba, waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland.


Deni ayaa haatan ku sugan Muqdisho isaga oo u ordaya madaxtinimada Soomaaliya. Warar madax-banaan waxay sheegayaan in kadib doorashadda guddoonka golaha shacabka uu ku laabanayo Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM