Deni oo ku dhaga-adeegaya xubnaha la diidey ee Maxkamadda Sarre

Image
Garowe Online ayaa fahansan in madaxwehnaha Puntland uu wacad ku maray "wax kasta u hurayo in xubnaha ay helaan kalsoonida baarlamaanka".

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wada abaabul xooggan oo uu ku doonayo in uu kusoo celiyo Guddiga Maxkamadda Sare ee Baarlamaanka Puntland horey u diidey, sidda ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoonaan karo.

Garowe Online ayaa fahansan in Deni uu diyaarinayo in uu xubnahan horgeeyo golaha wakiiladda isla marka uu dib u furmo kal-fadhigooda 25-ka bisha October ee sanadkan 2022-da.

Sida ay muujinayaan warbixinada, madaxweynaha ayaa aad ugu adkeysanaya in xubnaha uu horkacayo Axmed Yuusuf Taaraan kaasoo uu u xushay in uu noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee dowladda Puntland.

"Madaxweynaha dad badan oo la kulmay wuxuu u sheegay uu sameynayo wax kasta oo ay ugu kaceyso si ay kalkan xubnaha magacaaban u heli lahaayeen codka kalsoonida," ayuu raaciyey qof kamid ah dadka sida dhow ula socda qadiyaddan.

Baarlamaanka Puntland ayaa laba jeer dib u celiyay xubnaha magacaaban uguna baaqay madaxweynaha in uu soo badalo shaqsiyaadkan. Markii ugu dambeysay, July 4, 2022, waxay go'aamiyeen in aan dib dambe loo horkeeni karin.

"Madaxwaynuhu wuxuu u doonayaan Taaraan si uu ugu adeegsado barnaamijkiisa doorashada degaanka ee khilaafka ba'an uu ka taagan yahay iyo ku darsiga," ayuu tibaaxay illo wareed kale oo u dhuun-daloola dhaqdhaqaaqa Madaxtooyadda Puntland.

Deni oo ku guda jira sanadkii ugu dambeeyay ee muddo xileedkiisa madaxtinimadda Puntland ayaa ku fekeraya in bilooyinka u haray uu ka shaqeeyo qorsheyaal uu baaqi kusii ahaan karo xukunka maamulkam si uu mar kale ugu tartamo jagada ugu sareysa dalka Soomaaliya sanadka 2026-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM