Deni oo ku dhaga-adeegaya xubnaha la diidey ee Maxkamadda Sarre

Image
Garowe Online ayaa fahansan in madaxwehnaha Puntland uu wacad ku maray "wax kasta u hurayo in xubnaha ay helaan kalsoonida baarlamaanka".

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wada abaabul xooggan oo uu ku doonayo in uu kusoo celiyo Guddiga Maxkamadda Sare ee Baarlamaanka Puntland horey u diidey, sidda ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoonaan karo.

Garowe Online ayaa fahansan in Deni uu diyaarinayo in uu xubnahan horgeeyo golaha wakiiladda isla marka uu dib u furmo kal-fadhigooda 25-ka bisha October ee sanadkan 2022-da.

Sida ay muujinayaan warbixinada, madaxweynaha ayaa aad ugu adkeysanaya in xubnaha uu horkacayo Axmed Yuusuf Taaraan kaasoo uu u xushay in uu noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee dowladda Puntland.

"Madaxweynaha dad badan oo la kulmay wuxuu u sheegay uu sameynayo wax kasta oo ay ugu kaceyso si ay kalkan xubnaha magacaaban u heli lahaayeen codka kalsoonida," ayuu raaciyey qof kamid ah dadka sida dhow ula socda qadiyaddan.

Baarlamaanka Puntland ayaa laba jeer dib u celiyay xubnaha magacaaban uguna baaqay madaxweynaha in uu soo badalo shaqsiyaadkan. Markii ugu dambeysay, July 4, 2022, waxay go'aamiyeen in aan dib dambe loo horkeeni karin.

"Madaxwaynuhu wuxuu u doonayaan Taaraan si uu ugu adeegsado barnaamijkiisa doorashada degaanka ee khilaafka ba'an uu ka taagan yahay iyo ku darsiga," ayuu tibaaxay illo wareed kale oo u dhuun-daloola dhaqdhaqaaqa Madaxtooyadda Puntland.

Deni oo ku guda jira sanadkii ugu dambeeyay ee muddo xileedkiisa madaxtinimadda Puntland ayaa ku fekeraya in bilooyinka u haray uu ka shaqeeyo qorsheyaal uu baaqi kusii ahaan karo xukunka maamulkam si uu mar kale ugu tartamo jagada ugu sareysa dalka Soomaaliya sanadka 2026-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM