Deni oo ku biiray hardanka "meesha looga saarayo" Farmaajo

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa bartilmaameedkiisa koowaad ka dhigtey "ciribtirka maamulkan halista geliyey dalka".

GAROWE, Puntland - Madaxtooyadda Puntland ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Saciid Cabdullaahi Deni uu u ordayo xilka madaxtinimada Soomaaliya kuna qeexday "hoggaamiye samata bixin kara dalkeena".

Afhayeenkiisa Jaamac Dabraani oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa raaciyey: "Soomaaliya waxay u baahantahay in dadku codeeyo iyo in nabad la helo labadaasina isaga ayaa ku suntan".

Daqiiqado kadib, madaxtooyada Puntland ayaa faafisay muuqaal uu Deni ku fahfaahinayo damaciisa oo huursanaa ku dhowaad shantii bilood ee lasoo dhaafay ee khilaafka doorashadda uu taagnaa.

Deni oo ka hadlay munaasabad u muuqata in lagu qabtey gudaha Madaxtooyadda Garowe ayaa shaaciyey in hadafkiisa koowaad uu yahay sidii "uu meesha uga saari lahaa maamulka Farmaajo".

Magaalada Qardho ayaa laga soo wariyey dhawaaqa rasaas loogu dabbaaldagayo musharraxnimada Deni ee hogaanka Soomaaliya, iyada oo la ridey hub culus oo laga wada maqlay xarunta gobolka Karkaar.

"Hadafka koowaad ee aan leeyahay waa in aan meesha ka badalo Mohamed Abdullahi Farmaajo. Musharaxiinta madaxweynaha waxaan ugu baaqayaa in ay u midoobaan arrintaas. Cid kasta oo arrintaas u taaganna waxaan diyaar u ahay in aan la shaqeeyo," ayuu yiri.

Maalmaha soo aadan ayuu cod dheer ku sheegay in uu dardargelin doono ololihiisa raadinta kursiga ugu sareeya Soomaaliya wallow uusan caddeyn in uu kusoo wajahan yahay magaaladda caasimada Muqdisho.

Ku biirida Deni ee hardanka madaxtinimada Soomaaliya ayaa si gaar ah waxay culeys ugu noqon doontaa Farmaajo maadaama ay isku xisaab yihiin marka ay timaado nidaamka ay Soomaalida wax u qeybsato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM