Deni oo la kulmay Guddiga diyaarinaya Shirka Maalgashiga Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland iyo Guddiga qabanqaabada Shirka Maalgashiga.

Kulanka Madaxweynuhu la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa ahaa is xogwareysi guud, Ururada Bulshadu waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha qaabilaadda.

Waxay soo dhoweeyeen magacaabidda Golaha Sare ee La-talinta Madaxweynaha iyo tallaaboyinka kale ee Dowladdu qaaday sida arrimaha Ciidamada, la dagaalanka Musuq maasuqa iyo qorsheyaasha maalgashi.

Madaxweynaha oo dhegaystay tallooyin ay soojeediyeen Ururada Bulshadu ayaa wuxuuu bogaadiyey shaqada ay bulshada u hayaan Metelayaasha Ururada Bulshada.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Deni ayaa kulan la qaatay Guddiga diyaarinaya Shirka Maalgashiga Puntland oo loo muddeeyay 15-17ka, September, 2019.

Madaxweyne Deni ayaa Guddiga ka dhegaystay warbixin ku saabsan Shaqada u qabsoontay iyo sida ay u socoto diyaarinta Shirka Maalgashiga Puntland.

Shirka Maalgashiga Puntland oo uu dhowaan si rasmi ah u shaaciyey Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ah shir lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM