UN-ka iyo IGAD oo Puntland kala hadlay xasiloonida Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula Qaatay wefti ka socda UNSOM iyo IGAD oo ay hormuud u ahaayeen Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ammbassador. Raisedon Zenanga iyo Ergayga urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ammbassador Maxamed Cali Guyo.

Wasiirada Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa ka warbixiyey kulankaasi.

"Maanta waxaa noo yimid IGAD oo uu hogaaminayo Madaxa ugu sareeya iyo UNSOM madaxdeeda, waxay la kulmeen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada qaarkood, waxaan ka wada hadalnay guud ahaan geedi u socodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa degenaanshaha siyaasiga ah ee dalka, loona yarayn lahaa khilaafaadka jira oo ay shaqadooda tahay IGAD iyo UNSOM labadoodaba. Shirkaasi waxa uu ahaa shir midhadhal ah oo arrimahaasi khuseeya".

Shido kale Wasiirka ayaa xusay in Isbuucii hore Garoowe soo gaadheen wefti balaadhan oo ka socda Dowladda Jarmalka, waxaa uu sheegay in Dowladdu u gudbisey mashaariic horumarineed oo mudan in laga wadashaqeeyo kuwaasi oo khuseeya horumarinta dhaqaalaha.

"Waxaa kale oo Dowladdu si gaar ah ay ugala hadashay layskuna af-gartay in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn la gaadhsiiyo adeegyada bulshada iyo mashaariic horumarineed labadaba, goboladaas oo dowladdu mudnaan gaar ah siinayso, ahna horumarka gobolada kale ka jira uusan gaadhin si baaxadleh, iyadana waa ay soo dhoweeyeen, waxaan rajaynaynaa haddii Alle idmo in arrintaasi laga gungaadho. Shirkaasi waxa uu kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad .

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa xaqiijiyey in mashaariicdaasi ay aqbaleen masuuliyiintii ka socotey dalka Jarmalka, waxaana ka mid ahaa dhismayaal Dugsiyo Farsamada gacanta ah, dardargelinta mashariicda caafimaadka ay Puntland ka wadaan oo dhaqaale kale loohelay iyo lacag 13.5 million ah oo lagu horumarinaayo arrimaha dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan, Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaage, Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabiley), Wasiirka Dekedaha iyo Khayraadka Badda Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Wasiirka Tamarta, Macdanta & Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran).

Puntland State House + GO

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM