Deni oo la kulmay Mas'uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey xaruunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ee magaalada Garowe.

Mudane Deni oo kormeerkiisa ku wehliyay Madaxweyne ku xigeenka cusub, Axmed Cismaan Karaash, ayaa la kulmay Mas'uuliyiinta wasaaradda oo uu ku jiro wasiirka, Cabdulaahi Siciid Carshe [Dhaqaaje].

Wasiir Dhaqaaje ayaa Madaxwaynaha warbixin guud ka siiyay xaalada dhaqaalaha Puntland, howlaha wasaaradda iyo arrimo kale.

Deni ayaa Wasiirka maaliyadda wax ka weydiiyay inuu dhaqan-gelay amarkii uu ku xannibay maalintii la doortay 8-dii bishan in lacago lagala baxo akoonada dowladda ee Bangiga iyo xawaaladaha gaarka loo leeyahay, maadaama uu isbedel dhacay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyy xarunta Bangiga Dhexe ee Puntland.

Kulankaan ayaa imaanayaa maalmo kadib markii Madaxwayne Deni uu amar ku bixiyay isla saacadiiba la doortay inaan wax lacag ah lagala bixi karin koontada ay dowladda ku leedahay Bankiyada gaarka ah iyo midka ay DPL maamusho.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, oo dhaqaalo yahan ah ayaa lagu rajo wayn yahay inuu wax badan ka bedali doono dhaqaalaha Puntland oo hoos-u dhac wayn uu ku yimid iyo musuq-maasuq xargaha goostay 5ta sano ee uu xafiiska joogay Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM