Deni oo lagu eedeeyay waxka qabasho la'aanta Maandooriyaha

Image
Inta badan masaajidada caasimada Puntland ayaa salaadii ciida looga hadlay khudbadda maandooriyaha khamriga.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo ku jira bilihii u danbeeyay mudada xilhayntiisa, ayaa lagu tilmaamay mid "ruwaayad ka wada Puntland".

Xildhibaan hore ee ka tirsanaa barlamaanka Puntland, Saciid Shire Maxamed oo u waramay warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in Deni uu dayacay dhaartii iyo amaanadii uu maray isla markaana ay dalka uu halis ugu jirto maandooriyaha khamriga.

"Saciid Deni iyo xukuumadiisa waxaan leeyahay dhaartii aad marteen waad dayacdeen, ilaahay hortiisa ayaana la idin waydiin doonaa," ayuu ku yiri nuqul kamid ah wareysiga.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in iyagu ay bilaha dhawrka ah ee Deni u haray ay iskood wax isaga qabtaan maandooriyaha isaga oo ugu yeeray Isimada, Culimada iyo Waxgaradka in ay arintaas hormuud ka noqdaan.

Inta badan masaajidada caasimada Puntland ee Garowe ayaa salaadii ciida looga hadlay khudbadda maandooriyaha khamriga iyo dhibaatada uu ku hayo bulshada Garowe iyada oo loogu baaqay in ay wax ka qabtaan dhalinyaradda arintaas lagu eedeeyo.

Dadaalka waxgaradka ayaa u muuqda mid ka rajo dhigay dhanka xukuumada oo madaxweynuhu horey ugu eedeeyay laamaha amniga in ay iyagu arintaan hormuud ka yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM