Deni oo lagu tilmaamay "kaligii-taliye qumanihiisa wata"

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa lagu eedeeyay in uu hadafkiisa gaarka ah ka horumariyey danta dadka iyo dalka.

GAROWE, Puntland - Kutlada talo-wadaag ee samata bixinta doorashooyinka Puntland oo dhawaan war-murtiyeed soo saartay ayaa walaac ka muujisay xaalada siyaasadeed, dhaqan iyo dhaqaale ee Puntland iyadoo afka ku balaarisay "in meel adag xaalku marayo".

''Siciid Cabdullaahi Deni oo ah keligii taliye qumanihiisa wata, markii uu ku soo hungoobay doorashadii federaalka ayuu u wareegay qorshe cusub oo uu gabaad siyaasadeed kaga dhiganayo barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland oo ah himilo shacab, si uu ugu gaaro ujeeedooyinkiisa gaarka ah ee siyaasadeed, taasoo ay ugu weyn tahay in aan awoodda Puntland gacantiisa ka bixin inta laga gaarayo doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2026 oo uu mar labaad u diyaar garoobayo," ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa kutladu ku tilmaantay mid ka bayray wadadii dhex-dhexaadnimada isla markaana uu ku milmay xafiiska madaxweynaha Puntland "halkaasoo toos uga amar qaato".

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu bogaadiyay qodobadii ay dhawaan soo saareen ururada siyaasadda ee Puntland kuwaasi oo saddex iyo toban qodob ku xiray bilaabida diiwaan gelinta cod bixiyayaasha iyo qabsoomida degmooyinka dhiman ee doorashada qof iyo cod.

Isimada Puntland ayay kutladu ugu yeertay in ay u midoobaan sidii ay uga samatabixin lahaayeen marxaladda qalafsan ee Puntland marayso iyaga oo tilmaamay in isimadu ay bud dhig u ahaayeen dhismaha iyo wada noolaanshiyaha dadka Puntland.

Beesha Caalamka ayay ugu baaqeen in taageeradoodu aanay Puntland dhibaato u keenin isla markaana hanaankii dimuqraadiyadda Puntland laga leexiyay dhabihii saxda ahaa.

Shirwayne ay isugu yimaadaan dhamaan inta danaysa arimaha Puntland ayay ku baaqeen iyaga oo ka dhawaajiyay in lagama maarmaan uu yahay in shirkaasi la isku arki si wax la isaga waydiiyo mustaqbalka siyaasadda Puntland oo ay xuseen in uu haatan mugdi wajahayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM