Deni oo loo hanjabay haddii uu doorasho qaban-waayo 8-da Janaayo

Image
Tan iyo markii la aas-aasay, doorashadda Puntland ayaa muddo xileed kasta waxa ay dhaceysay 8-da Janaayo 2024-ka.

GAROWE, Puntland - Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa ku hanjabaya inay qabanayaan doorasho hal dhinac ah wixii ka dambeeya 8-da Janaayo 2024, waa haddii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu isku dayo inuu waqti kororsado oo uu ku guuldareysto qabashada doorashada waqtiga dastuurka xeerinayo.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal, ayaa ku eedeeyay Deni inuu laaluush u adeegsaday sidii uu Baarlamaanka u aamusin lahaa, isla-markaana uu gadaal ka riixayo muddo kordhin loo sameeyo.

Shire ayaa ku nuux-nuux saday in falkii Baarlamaanka ee Talaadadii uu si cad u jabiyay sharciga. Waxa uu walaac ka muujiyay in Deni uu doonayo inuu ku maamulo Puntland siduu rabo, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta falalkaasi.

Shalay oo Talaado ahayd, Baarlamaanka Puntland ayaa isku raacay in wax ka bedel lagu sameeyo qodobo gaar ah oo ka mid ahaa dastuurkii hore ee ku saabsanaa aqoonsiga axsaabta siyaasadeed ee Puntland.

Isbeddelka ugu weyn ee doodda dhaliyey ayaa ah qodobka sheegayey in saddex xisbi ay ka qeyb galayaan doorashada. Hadda, sagaal xisbi siyaasadeed ayaa loo oggolaan doonaa inay ka qaybgalaan.

Deni oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo madaxda dowladda federaalka ayaa wajahaya mucaaradad ka dhex aloosan Puntland oo ku aadan arrinta doorashada madaxweynaha ee madaxda maamul goboleedyada.

Tan iyo markii la aas-aasay, doorashadda Puntland ayaa muddo xileed kasta waxa ay dhaceysay 8-da Janaayo 2024-ka. Hase ahaatee, Deni oo doonaya in uu xukunka sii joogo waxa uu doonayaa inuu kursiga baaqi kusii ahaado si uu mar kale ugu ordo xilka madaxtinimada Soomaaliya 2026 taas oo sanadkii 2022-dii kusoo fashilmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM